crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> April | 2022 | HimiloNetwork | Page 3

Monthly Archives: April 2022

Sare-u-kac ka muuqda Qiimaha Qudaarta bisha Soonqaad.

MUQDISHO (HN) — Galab casir liiq ah iyo gudaha Suuqa Qudaarta ee degmada Wadajir. Qudaar-iibiye Maxamed Jeylani Cumar oo da’da afartameeyada ku jirana, wuxuu ka ganacsadaa qudaarta muddo toddobo sannadood ah. Laakiin la-yaab kuma ahan in marwalba oo bisha Ramadaan la gaaro uu sare u kaco qiimaha la iibiyo qudaarta – waana ujeeddo sababta ka dambeysa uu og yahay. “Wallaahi ...

Read More »

Towerka London ‘900 oo sannadood’ kaddib lagu qabtay Afur wadareed.

MUQDISHO (HN) — Dadka ku nool London ee kala diimaha iyo isirka ah ayaa markii ugu horreysay maalinkii Isniinta isugu yimid inay Muslimiinta kula afuraan Taalada Weyn ee London – taariikh aan weli horay dhicin weligeed muddo haatan laga joogo 900 oo sannadood. Isu-imaatinka waxaa soo agaasimay Naz Legacy Foundation. Waxaana afurka kasoo qeybgalay maayarka magaalada London, Sadiiq Khan iyo ...

Read More »

Laba da’yar Muslimiin ah oo cunnooyin bisil gaarsiinaya kuwa da’da ah.

MUQDISHO (HN) — Xilli Muslimiinta ku nool Bradford ay u dabaal-degayaan bisha Soonqaad, labo arday oo da’yar Muslimiin ah ayaa doonaya inay bil xusuus leh uga dhigaan Ramadaanka dadka ayaanka liita iyo kuwa taagta daran iyaga oo u qeybinaya kaalmooyin ay kamid tahay cunnooyin bisil. “Waa wanaag in qof walba la caawiyo gaar ahaan danyarta iyo ma-heysatada,” Mohammed Habiib ayaa ...

Read More »

Gudaha Suuqa ugu weyn Caasimadda ee QARAHA lagu iibiyo.

MUQDISHO (HN) — Xilli barqo ah iyo gudaha suuqa qaraha lagu iibiyo ee degmada Wardhiigleey. Laga yaabee inaadan rumeysan hayeeshe, kani wali waa midka ugu weyn gudaha caasimadda ee lagu iibiyo qaraha, marka loo eego, Nuur Abshir Adan oo muddo 20-sannadood kamid ah kuwa ka shaqeysta. “Mid yaroo xaafadeed ah mooyaane,” ayuu yiri. “Halkan ayaa ah barta ugu weyn ee ...

Read More »

Warbixin – Cunnooyinka Shiilan ee lagu afuro.

MUQDISHO (HN) — Kowda duhurnimo iyo diyaarinta cunnooyinka afurka. Sida caadada u ahna, Istar Ismaciil waxaa meel dhexe u maraya karinta cunnooyinka fudud ee saambuuska, burka iyo bejiyaha oo ay soo bilowday barqanimadii maanta. Iyada ahaan, cunnooyinka la shiilo kaliya ugama dhigna afbilowga afurka qoyska. “Maba joogi karno haddii aanan ku afurin sambuus iyo bur,” ayay tiri iyada oo dul-fadhisa ...

Read More »

La kulan – Gabadha 12 jir Hooyo ugu noqotay 7 Carruur ah.

MUQDISHO (HN) — Iyada oo 12 jir ah ayay hooyo u noqotay 7 carruur ah. Hadda waa 18 jir waxayna la qabsatay nolosha hooyonimada. Waalidnimadu – siiba hooyanimadu – waa mas’uuliyada ugu adag nolosha balse ugu wax soo saar badan. Madaama juhdiga barbaarinta dhallaan kusoo biiray oo aan wax isku tari Karin ay u baahan tahay howl joogto ah, sabir ...

Read More »

Sheekada 11-jirka Cunnooyinka – lacag la’aan – ku kariya.

MUQDISHO (HN) — Bisha Barakaysan ee Ramadaan waa bil wadaag iyo wada-joogitaan – Muslimiintuna waxay bixiyaan dadaal iyo harjad maalinle ah si waxtar muuqda ugu kordhiyaan xubnaha bulshada ay kamidka yihiin. Waxa uu sameynayo 11 jirka ku nool Mississauga waa arrin bogaadin iyo amaanba mudan. Da’yarkan ayaa maalin walba diyaariya 200 oo saxamo ay ku jiraan cunnooyinka lagu afuro si ...

Read More »

Afur-wadareedka ‘Open Iftar’ oo sannadkan ka qabsoomaya dunida.

MUQDISHO (HN) — Taniyo sannadkii 2013-ka, markii la bilaabay Afur-wadareedka ‘Open Iftar’, hadafku wuxuu ahaa isu-keenidda iyo wada-hadalka bulshooyinka Muslimiinta ah iyo kuwa la jaarka ah. Kaddib laba sannadood oo aanu sidii loo qaban jiray u qabsoomin – jiritaanka Covid-19 awgiis – sannadkan dib ayaa loo anba-qaaday. Ujeedada ugu weyn waa in ardayda ka yimid dunida kale ee ku nool ...

Read More »

Sidee Suxuurta muhiim ugu tahay qofka sooman?

MUQDISHO (HN) — Hiraabta ama Suxuurta wa cunnada la cuno qeybta dambe ee habeenkii inta lagu guda-jiro bisha Soonqaad. Waana ammin loogu diyaargaroobo ku dhawaad 15-ka saac ee soo aadan soojeedka maalinkii oo uu qofku ka caaqan yahay cunid iyo cabitaan. Waa sunno aanu kaliya jidaynin Suubanaha NNKH balse uu ku booriyay Muslimiinta inay joogteeyaan. Waxaana taas xoojinaysa faa’iidooyinka laga ...

Read More »

Timirta iyo sida loogu tixan yahay Cunisteeda Bisha Ramadaan.

MUQDISHO (HN) — Galab walba inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, la-yaab malahan in suuqyada lagu iibiyo timirta ay kamid noqdaan kuwa joogto looga adeegto. Abdiaziz Cali oo maalintii labaad oo xiriir ah u yimid inuu iibsado timirta ayaana kamid ah. “Qoys ballaaran maadaama aan nahay waxaan maalintii u baahanaa inaan hal kilo isticmaalno, sidaas darteed, ayaan ula saaxiibkay ...

Read More »
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!