crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Timirta iyo sida loogu tixan yahay Cunisteeda Bisha Ramadaan. | HimiloNetwork

Timirta iyo sida loogu tixan yahay Cunisteeda Bisha Ramadaan.

MUQDISHO (HN) — Galab walba inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan, la-yaab malahan in suuqyada lagu iibiyo timirta ay kamid noqdaan kuwa joogto looga adeegto.

Abdiaziz Cali oo maalintii labaad oo xiriir ah u yimid inuu iibsado timirta ayaana kamid ah.

“Qoys ballaaran maadaama aan nahay waxaan maalintii u baahanaa inaan hal kilo isticmaalno, sidaas darteed, ayaan ula saaxiibkay kuwa timirta iibiya,” ayuu yiri.

Timirta waxaa aalaaba la arkaa inay fursad dhaqaale ay bishan u noqoto dad badan oo bilaha kale ku shaqeysta xirfado kale. Abdiqaadir Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer Miskiinow oo ah sarrifle ayaana kamid ah kuwaas.

Isaga oo ku guda-jira shaqadiisa ayaanu kula kulannay meheraddiisa. Wuxuu sheegay in nuucyada timirta la cunaa aysan isku dhadhan iyo qiimo ahayn. Qof walbana uu heli karo midda ku habboon caafimaadka jirkiisa.

“Adiga iyo jeebkaa ayaa lagu kala iibsadaa nuucyada aad u jeedo ee timirta aan heyno,” ayuu yiri isaga oo macmiil u taagan u adeegaya. “Xattaa dadka qaba Macaanka waxay qaadan karaan mid iyaga u gaar ah oo aan dheecaan iyo macaan badan toona lahayn.”

Timirta waxa dhacda in dad badan ay kaliya cunideeda ku baraarugaan bisha Soonqaad, hayeeshe, in kale sida Abdiaziz waxay kamid tahay noloshiisa maalinlaha ah – u eegis la’aan bil soon iyo bil kale.

“Dhaqan ayay noo tahay inaan aroor walba qaxwo ku dhanno timirta; Soonqaadkana waqtigii aan cuni jirnay unbaa is weydaarta mooyee – majirto mar aan moog nahay isticmaalka timirta,” ayuu yiri.

Waana arrin ay bogaadinayaan bahda caafimaadka oo ku taliya inaan loo deymo la’aanin cunisteeda, marka loo eego Dr. Gaaladiid.

“Timirta waxaan ku dhan borotiin, tamar-siiye badan iyo nafaqo badan,” ayuu yiri Dhaqtar Maxamed Cabdullahi Gaaladiid. “Qofku wuxuu ku joogi karaa – iyada oo kaliya – muddo badan, hadduu wax kale waayo.”

Mana ahan bahda caafimadka oo qura kuwa sharixi kara faa’iidooyinka caafimaad ee timirta. Xattaa culumidu waxay ku ayyidi karaan addilooyin muuqda oo laga weriyay Suubanaha NNKH. Waxaana nooga warramaya Sheikh Cumar Sanwaaqle.

“Haddii sida Suubanaha NNKH aan u isticmaalo afurwalba waxaan fahmi karnaa xikmadda iyo faa’iidooyinka Ilaahay ku dhoobay timirta,” ayuu yiri. “Marka waa muhiim in tiro is dhaaf ah loo cuno.”

Sicirka baahsan ee sannadkan ku dhacay maciishadda quutul-daruuriga ah, meelaha aanu sida muuqata u saameynin waxaa kamid ah qiimaha timirta oo halkii ay sannadkii hore ka ahayd 1 doolar maanta lagu iibsanayo 1.5 bar.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!