crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sidee Suxuurta muhiim ugu tahay qofka sooman? | HimiloNetwork

Sidee Suxuurta muhiim ugu tahay qofka sooman?

MUQDISHO (HN) — Hiraabta ama Suxuurta wa cunnada la cuno qeybta dambe ee habeenkii inta lagu guda-jiro bisha Soonqaad. Waana ammin loogu diyaargaroobo ku dhawaad 15-ka saac ee soo aadan soojeedka maalinkii oo uu qofku ka caaqan yahay cunid iyo cabitaan.

Waa sunno aanu kaliya jidaynin Suubanaha NNKH balse uu ku booriyay Muslimiinta inay joogteeyaan. Waxaana taas xoojinaysa faa’iidooyinka laga helo usoo kicidda Suxuurta oo qofka ka yeeleysa mid u gegsada haraadka iyo gaajada maalintii.

Si kastaba, cuntooyin sidee ah ayaa ku wanaagsan Suxuurta? Dhaqtar Gaaladiid ayaa inooga jawaabaya.

“Cunto oo idil kuma saabsan Suxuurta,” ayuu yiri. “Waa muhiim cunnooyin fudud oo aan badneyn sida mooska, caanaha, timirta iyo wixii la halmaala uu qofku qaato.”

“Waayo waxay qofka siinaysaa tamar dheeri ah oo kula dagaal galo harraadka maalinkii iyo gaajada intaba,” ayuu sii raaciyay.

Laakiin in kale oo aan badneyn ayaan jecleyn inay usoo kacaan Suxuurta. Waxayna doorbidaan inay casho isku bixis ah cunaan kahor sariirta taas oo ah mid laga habboon yahay.

Haddaba faa’iido intee la’eg ayaa ku dhaafaysa qofka aan Suxuuran iyo maxaase faa’iido ugu jirta qofka suxuurta?

Waxaa inooga jawaabaya Sheikh Cabduqaadir Axmed Coomiye.

“Suubanaha NNKH wuxuu yiri – Suxuurta  waayo waxaa idin kugu sugan barako, marka aad si dhab ah isugu taagto u fiirsashadeedana, waxaad ogaaneysaa in qofka suxuurta uu aalaaba ka firfircooni iyo nashaad badan yahay inta kale,” ayuu yiri.

Suxuurtu, geesta kale, marka laga eego waa mid kamid ah labada waqti ee xubnaha sooman ee qoyska ay mar kaliya wax wada cunaan marka laga yimaado afurka. Waana muhiim in kuwa aan jecleyn usoo kicideeda, ay fiiro gaar ah siiyaan ammintaas muhiimka ah.

Qore: Zaki Hiraale.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!