crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sheekada 11-jirka Cunnooyinka – lacag la’aan – ku kariya. | HimiloNetwork

Sheekada 11-jirka Cunnooyinka – lacag la’aan – ku kariya.

MUQDISHO (HN) — Bisha Barakaysan ee Ramadaan waa bil wadaag iyo wada-joogitaan – Muslimiintuna waxay bixiyaan dadaal iyo harjad maalinle ah si waxtar muuqda ugu kordhiyaan xubnaha bulshada ay kamidka yihiin.

Waxa uu sameynayo 11 jirka ku nool Mississauga waa arrin bogaadin iyo amaanba mudan. Da’yarkan ayaa maalin walba diyaariya 200 oo saxamo ay ku jiraan cunnooyinka lagu afuro si uu ugu deeqo ururrada samafalka u qaabilsan bulshada Islaamka ee degaanka ku nool.

Rayyan Husain, oo cunna-karinta soo bilaabay markii xanuunka Covid-19 uu kala xiray dunida waxay ka ahayd un kaliya maaweelo iyo arrin uu sameynteeda jeclaa. Wuxuuse soo jiitay indhaha Food Basics oo usoo dirtay kaararka hadyado cunnooyin ah – iyaga oo weydiisanaya inuu ka caawiyo afur sameynta.

“Markii aan yaraa, aalaaba waxaan ahaa mid dhinac jooga ayeeyadiis marka ay jikada ku jirto si aan u barto habka wax loo kariyo,” ayuu u sheegay Toronto Sun.

Marka laga yimaado samafalkiisa, Rayyan wuxuu hadda awoodi karaa inuu qeyb ahaan iibiyo cunnooyinka uu diyaariyo isaga oo lacag ka sameynaya. Ilaa hadda lacag dhan 5,000$ oo faa’iido ah ayuu ka helay.

Ma ahan Rayyan da’yarkii koowaad oo Muslim ah kaas oo itaal samafal ah ku dhiirrada inta lagu jiro bisha Soonqaad.

Sannadkii hore, Zaavier Khan, oo ah 10 jir ku nool London, ayaa bilaabay inuu cunnooyin u kariyo dadka saboolka iyo kuwa ayaanka liita isaga oo weliba sooman si uu lacag ugu ururiyo yabooh ah UK Muslim charity.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!