Qaahira (Himilonews) – Oday waayeel Masiixi ah oo ku nool koofurta dalka Masar ayaa kor u qaadaya heerka wada noolaansho ee diimaha kala duwan ee Samaawiga ah – isaga oo da’yar kula nool xaafaddiisa u aqrinaya kitaabka Qur’anka waqtiyada uu nasiinada leeyahay. Sheekadan ayaa soo shaac-baxday kadib markii baraha bulshada lasoo dhigay muuqaal fiidiyow ah oo ay ka dhex muuqdaan ...
Read More »Monthly Archives: December 2016
Laba jeer ka fikir dhagari inay ku jirto xiriirada qaar ee lamaanaha
Harare (Himilonews) – Wada-socoshada lamaanayaashu in badan kama dhigna sawir farxadeed iyo isku qanacsanaan kuwo laga qaato. Sheekooyinka qaar ee ay lamaanaha jaceyl-wadaagta ahina iskula dhaqmaan ma ahan badi kuwo ku idlaada dhamaad farxadeed. Tani waxay nagu dhiirri-gelinaysaa inaan si dhaqsi leh u xukmin xiriirka ka dhaxeyn kara labada qof ee jidka wada-qaada. Taas waa marka aad aqriso qisooyinka dhagarta iyo ...
Read More »Markuu ardaygu jeclaado macalimaddiisa – si uu u guursado.
Beijing (Himilonews) – Badi xiriir dhex-mara labo qofood oo jaceyl iska doonaya ma noqdaan kuwo la qaayibo ama la qariibsado. Balse dhadhan sidee ah ayuu kuu yeeshaa jaceylku marka lamaanahan aad jeclaatay uu noqdo ama ay noqoto qof barahaada ah – da’na kaa weyn muuqaal ahaan?! Halka badi dadka qaar rumeysan yihiin inay dhici karto inaad jeclaato qof wax kuu ...
Read More »La kulan: ninka daryeela xanaanada 735 Eeyo ah
Bangalore (Himilonews) – Marka gaarigu ku joogsado halkan – gegida bannaan ee beer lagu xanaaneeyo – oo u dhow caasimadda gobalka Karnataka, durba waxaa kugu soo horora eeyo qeylo iyo ci’ isku daraya: farxadna la bururaya. Ilbiriqsi kadibna, waxaad arkaysaa iyaga oo qaarkood dusha kawada saaran Rakesh Shukla – isaguna wuxuu ku dareemaa falkooda farxad qalbi ah. Wuu la hadlaa: u ...
Read More »Shisheeyaha guursanaya Sucuudiyaanka oo laga rabo inay maraan tijaabo adag oo caafimaad
Jeddah (Himilonews) – Qeyb kamid ah dadaal lagu xadidayo ku adkeynta ajaanibta guur-doonka ku ah gabdhaha Sucuudiyaanka ah, dowladda dalkaas ayaa waajib uga dhigtay guur-doonka aan u dhalin Sucuudiga inay maraan baaris caafimaad oo la xiriirta daroogada iyo maandooriyaha kahor guurkooda. Xeerkan cusub oo ay jideysay dowladda Sucuudiga ayaa han-qal-jabinaya guursiga dadka aan u dhalan Sucuudiga – halka sidoo kale ...
Read More »Gabdhaha reer Siiriya oo u dhaxeeya qax iyo guursi
Jordan (Himilonews) – Gudaha xarun daryeelka hooyada oo ku dhex taal xero ay ku nool yihiin qaxooti Siiriyaan ah oo ku taal Jordan, Elham waxay dhabta ku heysataa cunugeeda 11-bilood jirka ah oo ooynaya – waxyar kadib markay aamusin kari waysana waxay u dhiibaysaa hooyadeed oo ag-fadhida si ay huuwaayeeso. “Markii aan wax dhalay, waxaan dareemay shucuur hooy0-nimo; waana farxay,” ...
Read More »Hindiya oo baararka qamriga ee jidadka saaran mamnuucaysa
Mumbai (Himilonews) – Maxkamadda Hindiya ayaa ku xukuntay in albaabada la iskugu laabo baararka lagu iibiyo khamrada iyo daroogooyinka ee ku dherersan jidadka waaweyn ee dalkaas taas oo ah dadaal lagu doonayo in lagu dhimo shilalka baabuurta iyo waddooyinka ee ka dhasha cabista qamriga. Maxkamadda ayaa amartay inay dowladdu diido bixinta ruqsadaha la xiriira baararka iibiya qamriga iyo maandooriyaha iyo ...
Read More »Masar oo 10,000 oo dameer u dhoofinaysa Shiinaha
Qahira (Himilonews) – Ibrahim Mahrous, madaxa waaxda xanaanada xoolaha ee wasaaradda beeraha Masar ayaa rumeeyey haddallo ku-tiri-ku-teen ahaa oo ku saabsan oo dameeraha ku nool dalkaasi loo dhoofin doono dalka Shiinaha, kadib heshiis ganacsi, marka loo eego al-Carabiya. Masar ayaa balanqaaday inay dhoofiso 10,000 oo dameerro ah iyada oo laga eegayo si waafaqsan shareecada. Shiinaha ayaa qaba baahida dameerro yaraan oo ...
Read More »Saameynta daaciga la isku maan-dhaafay – Dr. Zaki Naik
Mumbai (Himilonews) – Dugsiga diiniga ah ee Zakir Naik’s Islamic International School, oo ku yaalla meel ciriiri badan oo Mumbai katirsan waxaa dhacda inaadan si fiican u dhugan – jiritaanka geedo dheerdheer iyo gidaar ku gadaaman darbigiisa. In kasta oo gabdhaha iyo wiilasha ay halkan wax ku wada bartaan, hadana iskuma dhex darsana. Fasallada dabaqadda hoose waxaa ku jira gabdhaha iyaga ...
Read More »Wax kabaro Digaagta
Muqdisho (Himilonews) – Shinbiro inta badan dab-joog ah oo aan dhab u duulin; oo midabo kala duwan leh; diyaad, dooro; ama shinbirluki. Labkiisa waxaa la yiraahdaa Diiq; tan dhedigta ahna waxaa lagu magacaabaa Digaagad. Yaryarka digaaga waxaa la yiraahdaa Jiijiil. Midda aan wali curan waxaa la yiraahdaa Boojaal. Dul-fariisadka shinbiruhu ay ugxantooda ku dul-fariistaan ooy u kululeeyaan taniyo inta ay ...
Read More »