Wiil saaxiibtiisa oo xaamila aheyd uur-dooxay

Muqdisho – Kaaliye waxbarasho ayaa toorrey ku dooxay caloosha saaxiibtiisa oo aheyd xaamilo si uu u dilo canuga uurkeeda ku jira taas oo ay diiday inay iska soo rido, sida ay maxkamaddu dhageysatay.
Kevin Wilson ayaa lasoo werinayaa inuu la careysnaa in Malorie Bantala–oo ah saaxiibtiisa–ay ka dhega-adeygtay amarkiisa ah inay iska soo rido ilmaha ay uurka ku sido. Wuxuu bilaabay in markaas kadib, isaga oo kaashanaya saaxiibkiis, ay uurku-jirteeda garaacaan si ay u xabaala nololiyaan.
Malorie oo 22-jirad ah waxay uur sideed bilood ah u laheyd Wilson oo isna 22-jir ah. Uurkeeda ayaa ku yimid qaab-saaxiibtinimo. Balse Wilson in badan ma naawileyn inuu aabanimo isku diyaariyo. Sidaas darteed, wuxuu in badan kula taliyay saaxiibtiisa inay iska soo rido ilmaha. Markii uu ku daalay dooqa saaxiibtiisa, wuxuu qaatay taladiisa–taas oo ah inuu ilmaha kasoo rido.
Malorie oo loo cararay isbitaalka, waxay ku aheyd lama-rumeystaan inay indhaheeda ku aragto canugeedda oo wali nuuxsanaya.
Wilson iyo saaxiibkiisa falka kula jiray ayaa hadda loo heystaa in kiis la xiriira silic-dilyeyn ay kula kaceen laba nafood. Walina maxkamaddu go’aan kama danbeys ah kama gaarin.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!