crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wiil isaga oo loo fadhiyo tacsidiisa dul yimid reerkiisa! | HimiloNetwork

Wiil isaga oo loo fadhiyo tacsidiisa dul yimid reerkiisa!

MUQDISHO (HN) – Qoys ayaa farxad la baroortay markii uu tacsidiisa ku yimid wiilkoodii ay u tiiraanyoonayeen.
Wiilkan oo kasoo jeeda xaafad yar oo la yiraahdo Santa Teresa kuna taalla Paraguay ayaa saddex maalin kaddib kusoo laabtay reerkiisa – xilli ay ku dul baroordiiqayeen meydka ay moodayeen inuu isaga yahay oo loo keenay.
20-jirka lagu magacaabo Juan Ramon Alfonso Penayo waxaa markii ugu danbeysay laga war-helay isaga oo ka tallaabaya xadka dalkiisu la wadaago dalka Brazil.
Burcad badan ayaa qafaal iyo dhac ka sameeya goobaha ku dherersan xadka. Markii, si kastaba, Peyano uusan dib usoo laaban, qoyska ayaa iska dhaadhiciyay inuu gacanta u galay kooxdii burcadda aheyd.
Booliska oo saddex maalin kaddib helay meydka qof la suurad-dilay, waxay isku sheegeen inuu isaga yahay.
Si kastaba, iyaga oo ku jira tacsida ay u dhigeen ayuu ku yimid. Markaas kaddibna waxaa goobtii ay isku bedeshay sawaxan wehliya farax iyo qiiro jab.
Meydka aan la heyb-shaacin ayaa dib loogu wareejiyay booliska. Mana jiro jeer iyo markaas cid sheegatay lahaanshihiisa.
Penayo si cad uma faahfaahin sababta uu ku maqnaa iyo waxa ku dhacay.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!