crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> WAX KA BARO NOLOSHA GOODIRKA | HimiloNetwork

WAX KA BARO NOLOSHA GOODIRKA

Muqdisho (Himilonews) – Ugaarta jaad kamid ah oo sida Diirdiirta ay daliigo ku dhilan yihiin.
Goodirku, Ugaadha kale wuxuu kaga duwan yahay isagoo u kala qeybsama laba qeybood oo kala ah Yeris iyo Ishinba.
Goodirku markuu Yeriska yahay, ta dheddig waxaa loo yaqaan Caarrey, halka kan labka ahna layiraahdo Darraad.
Goodirku, wuxuu ku dhaqmaa Buuraha iyo Durdurada. Waa nugul, oo ma adkaysi badna, caradana wuu cunaa oo gebiyada ayuu xagtaa.
Goodirku, markuu Ishinka yahay, wuxuu u kala baxaa labka oo la yiraahdo Laba-qolle iyo tan dheddig oo la yiraahdo Adeeryo.
Goodirka inta meel ku wada dhaqan, waxaa loo yaqaan Urur Goodir ah. Goodirka markuu laba yahay, waxaa loo yaqaan Neehi. Sadaxna Saalax, halka afarta Goodir ee meel wada daaqaysana loo yaqaan Yahaab-gaab.
Xigasho –Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
F.G: Warbixinada ku saabsan ugaarta ee laga soo xiganayo buugga Duur-joogteenna, waxaa sal ahaan xaq-dhowrkooda u leh mareegta dharaaro.com–sanadkii 2013, halkaas oo uu ku qoray qaraaga al-Ustaad Boobe Yuusuf Ducaale. Isaguna, sida uu tilmaamay, wuxuu xaq-dhowrkooda u tiiriyey abwaankii Soomaaliyeed ee AUN Xabbad Ibraahim “Dhaban-daran.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!