crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qoraaga reer Brazil oo difaacay Islaamka iyo Qur’aanka | HimiloNetwork

Qoraaga reer Brazil oo difaacay Islaamka iyo Qur’aanka

Muqdisho (Himilonews) – Paulo Coelho oo ah qoraha loogu aqriska batay qoraalladiisa, ayaa difaacay diinta Islaamka isaga oo Qur’anka ku tilmaamaya kitaab barakaysan bartiisa facebook-ga sida “Buug Dunida dhinac kale u rogay.”
Qoraaga Brazilian-ka ah wuxuu galka sawir ee Qur’aanka dhigay boggiisa hore ee facebook-ga–isaga oo ku hoos qoraya “Is-baddal Dunida badalay!” 

qu

Sawirka uu dhigay bartiisa wuxuu helay taageero bulsho–halkaas oo raadato ku dhow 38,614 ay Likes u saareen, halka 4313 ay wadaageen sawirka. 
Adeegsade facebook-ga kamid ah oo lagu magacaabo Hiba B Dakkak waxay kitaabka Qur’anka ku tilmaantay mid sal u ah rabshado iyo xasuuq. 
Hayeeshe, Coelho ayaa gaashaanka u daruuray oraahdeeda. Isaga oo yiri: Tani ma ahan run. Waxaan ahay Kiristaan. Waxaana qarniyo badan aan dadku ku cabiidsan jirnay caqiidadeenna. Waxaynu galnay gaboodfallo ka dhan ah Aadanimada. Waxaynu hor-joogsanay ilbaxnimada dunida sida Galileu. Marka yeynu dhaleeceyn diin. Aynu dhaleeceyno kuwo suurad-xumeynaya. 
Jawaabta uu ka bixiyay oraahda Hiba waxay soo jiidatay kasbashada 7200 oo raadato ah inay like-saaraan. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!