crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Maxay kaga gaar tahay Garanuugtu Ugaarta kale?!–Nolosha Garanuugta | HimiloNetwork

Maxay kaga gaar tahay Garanuugtu Ugaarta kale?!–Nolosha Garanuugta

Muqdisho (Himilonews) – Garanuugta waa geed laac, waxaanay ku dhaqantaa Sudaha. Waqti kasta waa ay dhashaa oo sida Orgigu riyaha ugu dhex jiro ayuu Liigu ugu dhex jiraa. Garanuugtu sida dumarka ayey caado u leedahay. Waxay heshaa dhiigga dumarka bishiiba mar ku dhaca. Garanuuga lab waxaa loo yaqaan Liig, tan dhedigta ahna waxaa la yiraahdaa Tingay.
Garanuugtu, badi ifka dhulkeenna unbay ku gaar ahaan jirtay. Maantana dunida oo dhan ayaa laga helaa. 
Xittaa ereyga “Geranug” afka Ingiriis wuxuu kasoo amaahday afkeenna oo ah Garanuug. 
Liigu, markuu yar yahay waxaa la yiraahdaa Warrad. Markuu Warradku geesaha yeesho ayuu Liigu saaraa. Garanuugta wada socta oo kol meel wada daaqaysa, waxaa loo yaqaanaa Dan Garanuug ah.
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
F.G: Warbixinada ugaarta ku saabsan ee laga soo xiganayo buugga Duur-joogteenna, waxaa asalnimadooda iska leh mareegta Dharaaro.com–halkaas oo uu al-Ustaad Boobe Yuusuf Ducaale ku qoray sanadkii 2013-ka. Isaguna, sida uu tilmaamay, wuxuu xaq-dhowrkooda u tiiriyey AUN Abwaankii Xabad Ibraahim “Dhaban-daran.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!