crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wax Maka tagaan Nolosha Biciidka?! –Hadda BARO! | HimiloNetwork

Wax Maka tagaan Nolosha Biciidka?! –Hadda BARO!

Muqdisho (Himilonews) – Biciidku wuxuu ku nool yahay Hawdka, Badaa’iska iyo Sudaha. Wuxuu daaqaa Doogga iyo Bilcilkaba. Labkiisu waa Saryan. Halka dheddigiisana loo yaqaan Biciid.
Biciidku, markuu badan yahay ee uu meel wada joogo, waxaa loo yaqaan Yahaab Qamaamaley ah.
Inkasta oo Biciidku leeyahay geeso waawayn, hadana waa ka ugu fulaysan oo wuxuu ka didaa shimbir agtiisa ka duushay. Saryanka wuu saaraa labka kale. Wuu sahmiyaa; waanu hayaamiyaa.  Saantiisa waxaa laga jeexaa suumanka Maddannada loo yaqaan ee Sabeeno la siisto.
Cabsida badan awgeed, Biciidku wuu is-raad-guraa. Waxaanu u dhow yahay hadaad meel uu saakay maray ku sugto, inuu kugu soo noqdo.
Biciidka yar yar waxaa loo yaqaan magacyo ay kamid yihiin Sawaro iyo Dheddigo.
Hal-qabsiyada laga qabtay Biciidka waxaa kamida;
  1. Wallee, Saryan gooni-daaq ahi gelin ma harsado.
  2. Buur caws oo biyo ku agyaal baadi doonyoo Biciidkuba waa!
Heestii Biciid iyo Hobolkii Hobollada Waaberi ee Qaranka Soomaaliyeed Xasan Aadan Samatar:
Sida laba Baciid waqla lowyadiyo,
Luqmahays lagalay,
Laboodiga lidkii,
Laf inuu jabshoo,
Ka libeysto rabaa,
Laygu looxyayoo
Jaceylkaa iluley,
Ilulayee i luley,
Weey weysla liidanaa,
Weey weysla liidanaa  
Ii laacdey sida laag tigaad lahoo,
Libdhadii barqaduu,
Ku likeysantee,
Laabtaygu qabo,
Laabtaygu qabo!
Xigasho–Buugga Duur-joogteenna oo uu qoray Qore Zakariya Hassan Muhumed “Hiraal.”
F.G: Warbixinada ku saabsan ugaarta ee laga soo xiganayo Buugga Duur-joogteenna, waxaa asal ahaan xaq-dhowrkooda u leh mareegta Dharaaro.com–halkaas oo sanadkii 2013-ka uu ku qoray al-Ustaad Boobe Yuusuf Ducaale. Isaguna, sida uu tilmaamay, wuxuu xaq-dhowrkooda usii tiiriyay AUN Abwaan Xabbad Ibraahim “Dhaban-daran.”
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!