crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Gabdhaha Muslimiinta Kashmiir oo dirqi jirkooda looga ganacsanayo | HimiloNetwork

Gabdhaha Muslimiinta Kashmiir oo dirqi jirkooda looga ganacsanayo

Muqdisho (Himilonews) – Madax sare oo kamid ah kuwo ku nool gobolka Jammu ee Kashmiirta Hindiya gumeysato ayaa lagu helay inay gacan ku leeyihiin ka-ganacsiga gabdho yar-yar. 
Mida taas kamid ah waa gabar 15-jir ah oo bileysku ay ku xabiseen gaal-shiraha kahor intaan lagu sii deynin damaanad. Gabadha ayaa sheegtay inay shirqooleen ku dhawaad 30–qofood oo xilal kala duwan kaga jira Jammu.
Gabadha oo lagu simay gacanta waalidiinteeda ayaa loogu yeeray baaritaan dheeraad ah oo lagu ogaanayo halka ay kasoo maaxdaan dad-ka-ganacsadayaasha.
Dad-ka-ganacsigu waa halis ku badan gudaha Kashmiir iyo Jammu halkaas oo gabdho badan oo Muslimiin ah ay caqabad kala kulmaan dad-ka-ganacsadayaasha.
Dhulkii la oran jiray barqaareedka Aasiya ee Hindiya, Pakistan, Bangaladesh, waxaa ka jira falal liddi ku ah xoriyadda qofka–taas oo ah in sababo badan looga dul ganacsado sida in loo galmoodo, lagu shaqeysto ama laga baxo xubanaha muhiimka ah ee jirkiisa. 
Jammu iyo Kashmiir, oo Muslimiin ah, waa gobollo ku hoos jira gumeysiga Hinduuga ee dalka Hindiya halkaas oo taniyo 1947-kii uu Ingiriisku ku daray dhul-weynaha Hindiya. Kashmiir ayaa laba qeyb kala ah. Qeyb kamid ah dhulka Pakistan iyo qeybta hoos timaada cadawga Hindiya. Kuwa ku hoos nool gumeysiga Hindiya ayaa caadiyanba la kulma jirdillo, kufsi iyo xasuuq ba’an. 
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!