crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Marka lixdan jirku uu guursado gabar 9-jir ah | HimiloNetwork

Marka lixdan jirku uu guursado gabar 9-jir ah

Muqdisho (Himilonews) – “Ma gacalisadaada? Hanbalyo!” Tani waa mid kamid ah faallooyinka ay ka bixinayeen dad badan oo isha saaray lamaane kala fog da’ ahaan. Sheekadoodu waxay noqotay la yaab dadku sunniyaha u kala qaadaan! Xittaa iyaga laftigooda ayaa dareemaya inay wax ugub ah ku dareen ugubnimada caadiga ah ee dadab-galka laba-caruus.
Caruuskan, oo 60-jir ku dhow, ayaa guursaday gabar 9-jir ah–halkaas oo sheeko cusub kusoo kordhiyay doorasha lamaanayaasha. Balse dad badan oo ku nool Lebanon layaab kuma aheyn guurka labadan lamaane–dal in la guursado gabar 9-jir ah ay caadi ka tahay dhedxdiisa. 
Lubnaan oo kamid ah dalalka Bariga Dhexe waxaa jira xeer jidaynaya in–gabadha lagu guursado da’da 9-jirka. Halka kuwo deriska la ah ay caadiyanba ogol yihiin in gabadha lagu guursado heerka u dhaxeeya 13–15 sida Iiraan, Suuriya iyo Ciraaq. 
Muuqaallo laga soo qaaday lamaanayaasha ayaa muujiyay aragtiyo kala duwan oo ay ka qaadeen dadka dalxiisayaasha ah ee Lebanon ku sugan. 
Ninka ayaa ku adkeystay in–in kasta oo ay sharci Lubnaan isku guursadeen–uu hadana fasax ka helay waalidiinteeda oo u oggolaaday inuu da’daas ku guursado. 
Si kastaba, Lubnaan oo ah dal ay ku nool yihiin umad kala caqiido ah, ayaa dunida u bilaabay sheeko baal cusub oo door ah u furtay xiriirka lamaanayaasha. 
Hoos ka daawo sawiradda laga soo qaaday lamaanahan:

lub1 lub2

Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!