crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Jaceyl dartiis: Adeer la baxsaday gabadha xaaskiisa | HimiloNetwork

Jaceyl dartiis: Adeer la baxsaday gabadha xaaskiisa

Muqdisho (Himilonews) – Bileyska ayaa raadinaya gabar iyo adeerkeed qabay hooyadeed, oo ugu aadan aabo labaad, kadib markay isula baxsadeen lamaane ahaan, sida laga soo xigtay waaxda bileyska Kenya.
36-jirada Caroline Achieng oo ku nool Kibera, waxay sheegtay in seygeedu uu xiriirka u jaray kahor intaanu la fakan gabadheeda 22-jirada ah.
Seyga iyo gabadha xaaskiisa ayaa isla baxsaday kadib markay ogaatay marwadiisa Achieng inay galmo wadaageen marar badan. Gabadha ayaa xittaa uur yeelatay wayse iska soo xaaqday ilmaha.
Caroline Achieng waxay sheegtay in seygeedu uu ku xeeladeeyey in–ogaal la’aanteeda ay gabadhu ilmo iska soo xaaqdo–isaga oo u sheegaya in inantu ay nabar caloosha ka cabanayso oo ay habboon tahay in isbitaalka ay aado.
Achieng ayaa markaas kadib waxay arinta ku faafisay shacbiyadda si loosoo ogaado halkay jaan iyo cirib wada dhigeen labadooda.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
 
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!