Yaxaas cunay Wiil baxsad ka ahaa bileyska Florida
Posted by: Zakariya
in Wararka
December 9, 2015
837 Views
Muqdisho (Himilonews) – Meydka wiil dhalinyaro ah ayaa laga helay daan webi–isaga oo ay ku hareersan yihiin dhowr tiro yaxaas ah, sida laga soo xigtay bileyska Florida.
Sida ay sheegtay saaxiibtiisa, wiilkan oo dhowr maalin la weysnaa halkuu jaanta dhigay ayaa la arkay isaga oo dul sabbeynaya biyaha webiga.
Marka loo eego waaxda danbi-baarista bileyska Florida, wiilkan ayaa baxsad ka ahaa bileyska oo baadi-goodkiisa ku jiray kadib markii lasoo ogaaday inuu damacsanaa inuu dhaco dukaan ku yaal faras-magaalaha–halkaas oo kol hore uu dhac ka geystay.
sarkaal u hadlay bileyska ayaa yiri: “Halkii uu ka baxsanayey gacanta sharciga ayaa waxaa gowska la helay yaxaas, xilli uu ka ganbanayey daanta webiga.”
Si kastaba, dhacdadan ayaa kamid ah tiro dhacdooyin ah oo gudaha Maraykanka caadi ka ah sida: dilka, dhaca, kufsiga iyo jirdillada.
Tanise ma ahan mid badi ay soo tebiyaan warbaahinta reer Galbeedka kuwaas oo dhinacooda fayow dunida u buunbuuniya. Balse dhacdadan ayaa caadka-dhigaysa sida ay qadyaan u kala joogaan dhalinta Maraykanka ee ku ibtiloobay dhaca, kufsiga iyo dilka iyo bileyska.
Sahan ayaa muujiyay in Maraykanka gudihiisa saacad kasta dhacdo argagax leh lagu arko sida kufi, dil, xatooyo iyo jirdillo. Taas oo ka dhigaysa Maraykanka mid kamid ah dalalka ugu amaanka xun dunida.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-09
You must log in to post a comment.