Gabar Muslimad ah oo su’aal adag weydiisay Musharax Donald Trump
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
December 9, 2015
490 Views
Muqdisho (Himilonews) – Gabar Muslimad ah oo xubin ka ah golaha Muslimiinta Maraykanka ayaa kahor timid faalladii Islaam-naceybka aheyd ee uu yiri musharaxa xilka madaxtimo ee Donald Trump oo aheyd in USA laga mamnuuco Muslimiinta.
Zeinab Chaundry ayaa faalladiisa ku tilmaantay mid aan Ameerikaani aheyn iyada oo is-weydiisay haddii uu sidoo kale gudaha Maraykanka ka mamnuucayo caddaanka Xagjirada Kiristaan ah.
“Weerarkii Colarado waxaa ka danbeeyey xagjiro kiristaan ah. Marka maku tala-jirtaa inaad iyagana albaabada ka xirto” ayay ku weydiisay waraysi lala yeeshay.
Chaundry waxay sii tiri: “Muslimiinta Maraykanka waa qeyb kamid ah dalka. Waxayna soo ahaayeen qarniyo. Waxaynu kaalin ku laheyn aasaaska dalkan. Waxaynu leenahay dhaqaatiir, barayaal, injineero iyo aqoon-yahano. Waxaynu door ku leenahay dhismaha Maraykan weyn. In marka diin ahaan dadka looga sooco dadkooda, waa fikir aan Ameerikaani aheyn.”
Faallada Zeinab ayaa daba-socta kadib markii musharaxa xibsiga Republican-ka ah Trump uu ku taliyay in la mamnuuco Muslimiintu inay kusoo bataan Maraykanka.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-09
You must log in to post a comment.