Aqalka Cad: Islaamku waa qeyb kamid ah Maraykanka
Posted by: Zakariya
in Dunida Muslimka
December 9, 2015
317 Views
Muqdisho (Himilonews) – Iyada oo doraad musharaxa u taagan xilka madaxtinimo ee Maraykanka Donald Trump ee xisbiga Republican-ka ah uu sheegay in laga mancuuno Muslimiin kale inay soo galaan Maraykanka, Aqalka Cad ee White house-ka ayaa oraahdiisa ku tilmaamay mid qaaya-dilaysa noqoshadiisa madaxweynanimo ee USA–iyaga oo ugu yeeray xisbiga Republican-ka inay diidaan musharaxnimadiisa.
Af-hayeenka Aqalka Cad Josh Earnest ayaa ku tilmaamay Ol’olaha Trump mid taariikhda qurminaya–isaga oo faalladiisa ku qeexay Gaboodfal iyo naceyb.
Earnest wuxuu yiri: “Musharixiinta kale ee Republican-ka ah ee oo doortay inay codka siiyaan kan kusoo baxay magacaabista xisbigooda, waa inay dib-u-eegis ku sameeyaan,”
Donald Trump oo xilka madaxtinimada USA u taagan ayaa Muslimiinta ku sheegay kuwo aan habbooneyn in lasoo dhaweysto–kana dhigay Maraykanka dal dhibane u ah dhaawacyadooda.
Muslimiinta Maraykanka oo tira ahaan lagu qiyaaso in-ka-badan 10-malyuun ayaa ka xumaaday hadalka uu ku hadaaqay Trump iyaga oo ku sheegay mid kala dilaya walaalaha ku nool USA.
Ma ahan oo kaliya muumulka Obama kuwa canabareeyey oraahdiisa. Inta badan siyaasiyiinta Maraykanka–sida Hillary Clinton ayaa canbaareysay dhawaaqiisa. Halka madaxda kale ee reer Yurub ay ku fal-celiyeen dhaleeceyn ay dusha uga tuureen Trump iyaga oo ugu baaqay inuu raalli-galin ka siiyo shcabiyadda Muslimiinta USA.
Isha: Himilonews.com
Nagala soo xiriir: Himilonews@gmail.com
Related
2015-12-09
You must log in to post a comment.