MUQDISHO (HN) — 8:00 habeennimo iyo mid kamid ah masaajidda caasimaada oo laga oogayo salaadda Taraawiixda.
Da’yar iyo duqow intaba habeen walba inta lagu guda-jiro bisha Ramadaan ku oogaan mid kamid ah salaadaha sunnooyinka waaweynka ah ee la tukado 30-maalmood ee Soonqaad.
Waana mid kamid ah astaamaha lagu yaqaan bishan, marka loo eego Sheikh Cabdullahi.
“In laga hadlo Ramadaan waxay mararka qaar la micno tahay in la maqlo Taraawiix,” ayuu yiri. “Waana muhiim in loo guntado sidii looga faa’iideysan lahaa.”
Taraawiixda wadar ahaan waa 8 rakcadood oo loo geeyey 3 witir ah oo noqonaysa 11 rakcadood taas oo sida qaalibka ah lagu dukado juz kamid ah 30 juz ee Qur’anka habeen walba. Waxaase dhacda in masaajidda qaar ay ka badiyaan intaas – iyaga oo ku dukanaya suurado kookooban.
Sheikh Cabdullahi ayaa ugu yeeray Muslimiinta inay dhex u xirtaan ka faa’iidaysigeeda.
“Beddelkii aan maqli lahayn salaaddii oo masaajidda lagu oogayo innaga oo guryaheenna iskaga raaxaysanaysa, sow ma wanaagsana walaalayaal inaan ku mashquulno ka dheefsigeeda,” ayuu yiri.
“Markaad dheregtaan usoo laabta masaajidda oo tukada salaadaha sunnooyinka ah.”
Cilmi-baaris dhawaan la daahfuray ayaa tilmaamaysa in Taraawiixda uu qofka saa’imka ah ka qaadayso jirdhis iyo firfircooni maskaxeed iyo mid ruuxaaniyadeed oo ka kaalmaysa inuu u caaboonaado gudashada acmaasha soonka.
Waxaana intaas usii dheer, samaha iyo abaalgudka uu qofka Muslimka ah Alle agtiisa uga xisaabsanayano maalinta Aaqiro.
Qore: Zaki Hiraale.
You must log in to post a comment.