crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> 3 May – Maalinta Xurriyadda Saxaafadda | HimiloNetwork

3 May – Maalinta Xurriyadda Saxaafadda

Muqdisho (Himilonews) – Sanad kasta, 3 May waa taariikh loo dabaal-dego tiirarka aasaasiga u ah xurriyadda saxaafadda si loo qiimeeyo heerka xurriyadeed ee warbaahinta dunida; loogana difaaco weerarrada ku foolan madax-bannaanidooda iyo in ugu danbeyntii tacsi loo diro ehellada suxufiyiinta u geeriyooda gudashada waajibaadkooda.
Maalinta Caalamiga ee Xurriyada Saxaafadda waxaa sanadkii 1993 ku dhawaaqay Kal-fadhiga Guud ee QM kadib talo soojeedin ka timid shir-weynihii UNESCO ee la qabtay sanadkii 1991. Tani waxay daba soctay jawaab laga bixinayay yeermo katimid suxufiyiinta Afrika kuwaas oo soo saaray ajendihii Windhoek Declaration.
Waxay maalintani ka dhigan tahay dhacdo lagu muujiyo muwaadiniinta lagu wax-yeelo xurriyadda hadalka – laguna tilmaamo in xarumo warbaahineed oo dunida oo dhan ku kala yaalla ay la kulmaan ganaax, eedeyn iyo af-qabad; halka suxufiyiin kala duwanna ay ku dhacaan handadaad, cabsi-gelin, xarig, shirqool, dil iyo musaafurin.
Waa maalin la is xusuusiyo dhiirri-gelinta iyo horumarinta dhaq-dhaqaaqyada lagu doonayo kobcinta xurriyadda saxaafadda iyo in la qadariyo kaalinta xurriyada saxaafadda dunida ku leedahay.
3 May waxay u dhaqantaa sida shinbir dhanbaal u sida dowladaha looga baahan yahay inay xushmeeyaan ka go’naantooda xurriad-siinta saxaafadda, waana maalin qeybaha ku lugta leh saxaafadda ay isla eegaan baahinta suuban iyo adeegga ay ku fulinayaan xurriyadda ay u helaan tebinta macluumaadka.
Waa maalin sidoo kale taageero loogu muujiyo saxaafadda la dhiban tacaddiyada nuucyadiisa kala duwan si kor loogu qaado wacyiga ay ku dhex leeyihiin horumarinta bulshooyinka – iyada oo maanka lagu hayo in kuwa u dhinta gudashada howlahooda warbaahineed ay mar iyo marar mudan yihiin in la weyneeyo kaalintooda.
Maanta waxay ku beegan tahay sanad-guuradii 24aad ee Maalinta Xurriyadda Saxaafadda. Balse marka loo eego koox fadhigeedu yahay dalka Swizerland, 141 suxufiyiin ah ayaa la dilay sanadkii 2012.
Kooxda u doodda kahor-tagga suxufiyiinta ayaa sheegtay in sanadkii 2011 uu ahaa sanad murugo ah suxufiyiin badan. Ku dhawaad 37 wariyaal ah ayaa ku dhintay Suuriya; 11 waxaa lagu kala dilay dalalka Mexico iyo Brazil – halka lixna lagu dilay dalka Honduras.
Dalka Jamaica ee dhaca Waqooyiga Latin America wuxuu ku jiraa 10-ka dal ee dhul-baraha ka xiga dacalka galbeed oo ugu horreeya marka la tirinayo dalalka tacaddiyada loogu geysto suxufiyiinta, sida ay sheegtay international media watchdog group – oo ah wariyaasha aan xuduudda laheyn.
Hey’adda CPJ ayaa sheegtay in sanadkii 2016, suxufiyiin gaaraya 48 lagu dilay dunida dacalladeeda. Waxay qortay in sanadkii hore oo kaliya, ku dhawaad 14 suxufiyiin ah lagu dilay dalka Suuriya – halka Iraaq iyo Yemen lagu dilay min lix wariye.
Sababaha dhimasho ee wariyaasha geeriyooday ayaa la tilmaamaa in loo dilay intooda badan si ku tala-gal ah. Waloow diiwaanka suxufiyiinta aan ku bixin ama sababsan gacan kale ay yihiin tiro kooban.
Isha: radiohimilo.so
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!