crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Jarmalka oo diinta Islaamka qaatay. | HimiloNetwork

Siyaasiga Xisbiga Midigta Fog ee Jarmalka oo diinta Islaamka qaatay.

Muqdisho (Himilonetwork) – Xubin kamid ah Xisbiga Bidixda Fog ee Jarmalka ayaa diiinta Islaamka qaatay – isaga oo shaqadii uu ka hayay Xisbigiisana isaga tagay, sida ay soo xigatay Deutsche Welle. 
“Waa wax aniga ii gaar ah,” ayuu yiri  Arthur Wagner markii la weydiiyay sababta uu ku islaamay. Warar ayaa isasoo tarayay taniyo markii uu Xisbiga shaqadii uu ka hayay iska casilay 11 bishan January.
In kasta oo Wager uusan si qoto dheer u faahfaahin go’aankiisa, afhayeenka Xisbiga, Daniel Friese ayaa xaqiijiyay.
“Xisbigu wax dhibaato ah kuma qabo,” ayuu yiri Daniel Friese. “Diintu waa doorasho gaar ah oo sida dastuurkeennu dhigayo xaq uu u leeyahay inuu go’aansado.”
Xisbiga ayaa sanadkii hore sheegay in Islaamku uusan ahayn qeyb kamid ah dalka Jarmalka. Balse Wager oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Ruushka ma ahan qofkii ugu horreeyey ee heerkiisa ah oo diinta Islaamka qaata.
Sanadkii 2013-ka,  Arnoud Van Doorn, oo ahaa cunsuri neceb Islaamka ayaa u ugu danbeyntii qaatay diinta Alle.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!