crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Minneapolis oo hadda codbaahiyaha u oggolaanaysa Aadaanka Salaadaha. | HimiloNetwork

Minneapolis oo hadda codbaahiyaha u oggolaanaysa Aadaanka Salaadaha.

MUQDISHO (HN) — Mahad celin ayaa ka timid qaraarkii la ansixiyay kaas oo fasaxayay in aadaanka salaadaha shanta ah ee maalin walba laga sii daayo codbaahiyaha gudaha magaalada Minneapolis oo kamid ah kuwa ugu waaweyn dalka Maraykanka, sida laga soo xigtay Wakaaladda Wararka Anadolu.

Jamal Cusmaan oo xubin ka ah Golaha Degaanka Minneapolis ayaa ku dhawaaqay go’aanka cusub oo ay meelmariyeen.

“Aadaanka waa mid kamid ah qeybaha ugu muhiimsan caqiidadeenna,” ayuu ku yiri Jamaal bartiisa twitter-ka.

“Masaajidda magaalada hadda waxay awoodi karaan inay codbaahiyaha u adeegsadaan aadaanka salaadaha laga bilaabo 7am ilaa10pm,” ayuu sii raaciyay.

Wuxuu tallaabadan ku qeexay mid sinnaan ka dhex abuuraysa bulshada wada nool. Tani waa Ameerika oo la inoo oggol yahay inaan diinteenna ugu dhaqanno si buuxda oo weliba xurriyad leh, ayaa laga soo xigtay Cusmaan.

Magaalooyin badan oo Maraykan kamid ah sida Paterson, New Jersey; Hamtramck iyoDearborn, Michigan ayaa oo Muslimiin badan ay ku nool yahay ayaa laga oggol yahay aadaanka salaadaha in codbaahiye loo adeegsado.

Si kastaba, go’aankan ayaa kusoo aadaya xilli bisha Ramadaan ay saacado kooban un ka dhiman tahay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!