crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Ninka ugu dheer AFRIKA. | HimiloNetwork

La kulan – Ninka ugu dheer AFRIKA.

MUQDISHO (HN) — Qumaati ugama soo bixi karo albaabada; mafuuli karo gaari walba; mana jirto sariir la’eg. Qof kasta oo la istaagana waa sida carruur la sawiran. Codkiisu waa mid guuxaya. Kabihiisana waa kuwa ugu weyn xagga cabirka. Dharkiisa uu xiran yahayna waxaa loogu sameeyaa dalka Sweden. Wuxuu sheegay in saaxiibkiisa oo dharka sameeya uu ka codsado inuu usoo hagaajiyo maryaha uu doonayo inuu xirto. Waayo waa wax adag inuu Afrika ka helo dhar la’eg oo uu qaato.   

Gudaha Tanzania waxaa ku nool da’yar 28-jir ah oo kamid ah kuwa ugu dhaadheer caalamka maanta.

Xaqiidii aad buu u dheer yahay – wax kasta oo cabirka caadiga ahna waa ka sarreeyaa.

Dal caan ku ah duurjoogta iyo dalxiiska, ayuu Julius Charles oo loo tix-geliyo kuwa ugu dhaadheer adduunka ku nool yahay. Kama dhaxlin waalidkiisa ugumana imaan dhererku qaab xanuun ah. Marwalba oo uu sii weyaadaba, wuxuu ahaa mid naftiisa ka helaya dusha kuwa la socda.

Wuxuu aaminsan yahay inuu jir ahaan wali korayo maadama uu weli da’yar yahay oo laga yaabo in dhererkiisu wax ku darsamaan. Wuxuu kale oo uu aaminsan yahay inuu buugga dhacdooyinka la-yaabka leh lagu qoro ee Gunness uu mar un ku geli doono jagada ninka ugu dheer caalamka, marka loo eego da’yaridiisa.

Wuxuu jooggiisu dheer yahay 2.67 mitir. Waxay qaadanmaysa isu-geynta laba qof inay geeyaan jooggiisa.

Balse Julius kuma dareemayo jooggiisa dheer raaxo. Si ka duwan ilmaha kale ayuu culaab ahaan ku dhashay. Markii uu wax-barashada bilaabayna, waxay ku ahayd caqabad. Koritaan aan caadi ahayn ayuuna sameynayay muggaas. Markii uu 10-jir gaarayna, qof kasta ayuu ka dheeraa.

Wuxuu noqday hadalheynta iskuulka, waxaana hadiyo jeer lagu mashquuli jiray jooggiisa iyo sida uu ilqabad dheer yahay inta kale. La-yaab iyo dheygag ayay ardaydu kusoo eegi jireen goorwalba xattaa xilliyada xiisadaha. Sababtaas awgeed ayuu isaga haray wax-barashada waayo majirin iskuul diyaar u ahaa inuu ku aqbalo xaaladiisa.

Hayeeshe ka haritaankiisa wax-barashada ma ahayn caqabadda qura oo lasoo gudboonaatay. Wuxuu ku fashilmay inuu kasbado saaxiibo u gaar ah si lamid ah gaari kaxaynta iyo helidda lammaane jaceyl oo nolosha la qeybsada.

Waxaa intaas dheer, haddduu xanuunsado majiro isbitaal bukaan-jiifin kara muddo ka badan shan maalmood madaama laba sariir ay qaadanayso in lagu jiifiyo.

Waalidiintiisu waxay sameeyeen isku-dayo badan oo ay ku doonayaan inay kaga joojiyaan dhererka ku socda. Laakiin waxba kama soo naasa-cadaan. Hayeeshe, ka Julius ahaan, ma ahan qof cabanaya. Halkii uu jirkiisa u tix-gelin lahaa inkaar ku dhacday, wuxuu isu arkaa mid la dheeri ah nasiib iyo fursad.

Wuxuu u safraa dunida dacalladeeda la kulmaa dad caan ah – kasbadaana saaxiibo caalami ah.  Marayanka ayuu u arkaa hoyga fursadaha iyo duni u furan soo dhawaynta dadka sidiisa oo kale ka faa’iideysan kara dhererkooda gaar ahaan kubadda kolayga

Wuxuu baraha bulshada u arkaa aaladda kaliya ee si muuqata qeyb uga qaadanaysa koritaanka xagga is-dhexgalka iyo kulamada caalamiga ah oo uu la sameeyo dadka caanka ah oo uu sida uu yiri – aan awal wax ogaal ah u haynin kahor kusoo biiritaankiisa baraha bulshada.

Mana ahan kolayga iyo cayaaraha kale halka uu doonayo inuu magac ka sameeyo. Wuxuu goor hore kasoo muuqday filimo uu sameeyey kuwaas oo aad loola dhacay.

Waxaa intaas oo dhan ka muhiimsan, Julius in kasta oo uu ka dheer yahay inta kale, haddana sidoo kale waa ruux qalbi fiican oo dadka niyadsami kula dhaqma.

Marwalba oo dadku ku arkaan waddooyinkana, waxay jecleystaan la kulankiisa.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!