crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Saraawiil dadka waayeelka ah ka caawinaya socodka | HimiloNetwork

Saraawiil dadka waayeelka ah ka caawinaya socodka

Muqdisho (Himilonetwork) – Johnathan Rossiter wuxuu ku faraxsan yahay inuu soo ban dhigo surwaalkiisa cusub. Midabkiisu wuu cad yahay waana lagu ordi karaa, laakiin ma aha dhar isboorti oo caadi ah. Waxay u shaqeynayaan sida qalabka kombiyuutarka.
“Dhammaanteen waxaan u soconnaa inaan da’ noqonno, socod keenna awoodiisana way is dhimmi doontaa, marka waxa aan rabno inaan sameyno waa inaan dadka siinno awooddaas dheeriga ah, si ay tabar u lahaadaan ilaa intii macquul ah” ayuu yiri.
Koox cilmi baareyaal ah oo u dhashay dalka Ingiriiska ayaa ka fakaraya in mustaqbalka la soo saaro dhar koronto ku shaqeeya oo socodka ka been sheegaya.
Waxay u sameynayaan murqo cinjirro ka samaysan, laguna shubay hawo, oo lugta soo kala fidin kara markii uu qofka fadhiga ka kacayo oo uu istaagayo.
In tignoolojiyaddaan lagu dhex sameeyo saraawiisha waxay qaadan kartaa 10 sano oo hadda ka dib ah, laakiin waxaa la qorsheynayaa iney awoodaas lugaha ku siyaadiyaan waqtiga aan ugu baahida badan nahay.
Prof Rossiter, oo ka tirsan jaamacadda Bristol ayaa sheegay in ay jiraan “qiyaastii 10 malyan oo ruux oo naafo ah oo jooga Ingiriiska.” Dadkaas ma aha oo kaliya kuwa lixadkoodu dhiman yahay, balse waxaa kale oo ku jira dadka socodka gabay, da’dooda oo weynaatay awgeed.
Markii la gaaro sannadka 2046-ka, tirada dadka ay da’dooda tahay 65 sano ama ka sarreeya waxay noqon doonaan afar meelood hal meel oo ka mid ah tirada guud ee shacabka. Qiyaastii 1.2 malyan oo qof oo ku nool Ingiriiska ayaa qaba cudurka dadka curyaamiya ee loo yaqaanno Faaligga.
Murqaha macmalka ah waxay ka samaysan yihiin balaastikImage captionMurqaha macmalka ah waxay ka samaysan yihiin balaastik
Dadkan waxay u baahnaan donaan caawinaad dhanka dhaqdhaqaaqa ah.
Dhibaatooyinka ay la kulmaan dadka ayaa noqon kara iney socon waayaan, iney fariisan waayaan iyo iney istaagi waayaan.
Prof Rossiter ayaa BBC-da ku yiri: “Mid ka mid ah hadafyadeenna waa inaan murqaha dadka ku xoojinno hab aan dabiici ahayn, marka sidaas la sameeyo waad xiran kartaa surwaalkaaga waxaadna awooddaada ka heleysaa surwaalkaaga.”
Tignooljiyad noocee ah ayaa ku lug leh arrintaan?
Prof Rossiter waxa uu kaashanayaa saynisyahanno kale oo ka kala yimid guud ahaan dalka Ingiriiska si ay wadajir qalabkaas ugu sameeyaan iyagoo adeegsanaya maadooyinka tignoolojiyadda ah ee loo yaqaanno 3-D printing, smart material iyo murqo macmal ah.
“Qalabkaas marka la isku naqshadeeyo waxay noqon karaan waxyaabo fudud oo loo adeegsan karo ujeeddada aan u dan leenahay” ayuu yiri Prof Rossiter.
Saynisyahannada ayaa rajeynaya in markii la dhameystiro howshaas uu qalabku u shaqeyn karo sida murqaha caadiga ah ay u shaqeeyaan.
Khubarada ayaa ku doodaya in xitaa aysan qalabkaas macmalka ah shaqada joojineynin markii uu qofka istaagayo isagoo cabbaar fadhiyay.
Habka isticmaalka?
Waxay seynisyahannada la yimaadeen hab fudud oo uu qofka ku xiran karo surwaalka wata lugaha macmalka ah.
Badhan ku shaqeeya taabashada ayaa loogu tala galay inuu qofka taabto si uu mar qura isaga bixiyo isagoo aan wax dhib ah ka marin.
Habka loo xiranayana waxay ugu tala galeen inuu sidoo kale ahaado mid sahlan oo leh meelo cayiman oo laga xirto.
Cilmi baareyaashu waxay aaminsanyihiin in saraawiishaas ay qeyb ka noqon karaan dharka caadiga ah ee ay dadku xirtaan.
Saraawiishaas ku shaqeeya qalabka mashiinnada ayaa sidoo kale noqon doona kuwo la dhaqi karo, sida ay sheegeen cilmi baareyaasha ku howlan farsameyntiisa.
Si dhaqso ah ma loogu socon doonaa?
“Nooca dadka aan bartilmaameedsaneyno waxaa ku jira adiga iyo anigaba, waayo haddii aan caafimaad qabno waan sii duqoobeynaa marba marka ka dambeysa,” ayuu yiri Prof Rossiter.
Markii la helo qaabka naqshadeynta ka dib, tallaabada ugu horreysa ee ay saynisyahannadu qaadi doonaan ayaa ah iney la shaqeeyaan hay’adaha kala duwan ee ka shaqeeya arrimaha bulshada iyo sidoo kale warshadaha.
Rossiter wuxuu saadaaliyay in haddii ay kaashadaan warshadaha iyo ururrada bulshada uu qalabkaas diyaar ku noqon karo muddo 10 sano gudahood ah, dadkana la wada gaarsiin karo.
Xigasho – BBCSomali.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!