crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan – Maalqabeenka loogu yeero Mudanaha Nadaafadda | HimiloNetwork

La kulan – Maalqabeenka loogu yeero Mudanaha Nadaafadda

Muqdisho (Himilonetwork) – ‘Mr. Yo’ waa maal-gashade milyaneer ah oo dhaqan u goonni ah ku sifoobay – 15-kii sano ee lasoo dhaafay. Ganacsadaha reer Kuuriya balse ku nool dalka Bahrain wuxuu subax walba inta uusan waagu wada dillaacin usoo kacaa si uu qashinka uga xaaqo jidadka una nadiifiyo. Wuxuuna sidoo kale isku dayaa inuu walxaha qaar ee qashinka ku jira uu dib-u-adeegsi ku sameeyo ama u-isticmaal-galiyo.
Mar la weydiiyay sababta uu shaqadan ku jeclaaday muddada intaa la’eg, Yo wuxuu si fudud ugu jawaabay: ‘waayo anigaa doonaya.’
Hadda maal-qabeenkan Kuuriyaanka ah waxay dadka reer Baxreyn ugu yeeraan ‘Boss of Cleaning’ ama Mudanaha Nadaafadda. Wuxuu si xiisa leh ugu muuqdaa mid daneynaya inuu arko jidad nadiifsan iyo deris ama jiiraan ku raaxaysan kara nolol hufan oo caafimaad leh.
“Waxaa jira qashin badan, dadkuna way ku jiranayaan,” ayuu yiri Yo. “Waxayna sababayaan dhibaatooyin degaaneed.”
Marka loo eego goob-joogayaal, Yo wuxuu aad u kohdaa aragtida qashinka oo xittaa ay dhib ku tahay inuu ag istaago haashka sigaarka laga nuugay ee dhulka yaalla.
“Qashinku waa lacag,” ayuu yiri isaga oo farta ku fiiqaya tuur qashin ah oo meel gaar ah lagu tubay. Wixii alaabo ah oo geli kara dib-u-adeegsi wuxuu u diraa dalkiisa Kuuriya farsameyn kaddib si loo isticmaalo.
Dhaqankiisani wuxuu soo jiitay indhaha bulshada uu ku dhex nool yahay. Dhacdo gudaheed, booliska ayaa arkay nin qariib ah oo qashinka ka ururinaya jidadka, markii ay su’aaleen qofka uu yahayna, wuxuu u sheegay inuu yahay samafale jecel inuu qeyb ka qaato bilicda degaankiisa.
Yo waa mid caan ka dhex noqday saaxiibada iyo jiiraanka xaafaddiisa. Waxay uga sheekeeyaan dhaqankiisa si aad ah, maadaama uu nadiifinayo dal uusan dhalasho ahaan kasoo jeedin.
“Maanta wuxuu tusaale looga daydo is-xil-qaanka ku qotoma hufnaanta degaanka iyo bilicda xaafadda uu u noqday dhalinyaro badan oo jecel inay tallaabtiisa qaadaan,” ayuu yiri mid kamid ah dhalinyarada Carbeed ee ku nool dalka Baxreyn.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Kala xiriir: Hiraal86@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!