crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidka ugu weyn Bartamaha Aasiya oo laga furayo dalka Kyrgyzstan. | HimiloNetwork

Masjidka ugu weyn Bartamaha Aasiya oo laga furayo dalka Kyrgyzstan.

Bishkek (Himilonetwork) – Masjidka Bartamaha ee  Imam Sarakhsi, oo ah kan ugu weyn Bartamaha Qaaradda Aasiya – kaas oo qaadi kara dad dhan 30,000 – ayaa maalintii Axadda xariga looga jaray gudaha caasimadda dalka  Kyrgyzstan ee Bishkek.
“Dhismaha Masjikani wuxuu tusaale u yahay sida looga horumaray habka casriga ee naqshadeynta farshaxan ee dhismaha iyada oo la adeegsanayo aaladaha casriga ah ee tiknoolojiyadda,” ayuu yiri madax-weynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.
Masjidkan oo loogu magac-daray caalim Muslim ah oo noolaa qarnigii 11aad,  waxaa dhismihiisa suura-gelisay hey’adda dowladda Turkiga u qaabilsan dhismaha xarumaha Islaamiga ah oo lagu magacaabo (DİB).
Erdogan oo booqasho rasmi ah ku jooga dalkaas ayaa xafladda furitaanka Masjidk Sarakhsi kala qeyb-galay madaxweynaha Kyrgyzstan, Sooronbay Jeenbekov.
Quruxsanaanta hannaanka loo dhisay Masjidkan, madax-weynaha Erdogan wuxuu ku tilmaamay mid ka turjumaya xiriirka adag ee ka dhaxeeya  Anatolia iyo Bartamaha Aasiya.
“Waxaan rajeynayaa inuu dhismaha Masjidkani uu xoojiyo walaalnimada labada dal oo sidoo kale kamid ah Umadda Nabi Muxumed NNKH,” ayuu yiri.
Dhismaha Masjidkan ayaa soo bilowday sannadkii 2012-ka. Wuxuu muuqaal ahaan shabahaa Masjidka Kocatepe Mosque ee ku yaalla caasimadda Ankara.
Wuxuu awoodi karaa in mar qura ay ku dukadaan dad gaaraya 9,000 oo qof. Waxaana haddii lagu daro baaxadda banaankiisa mar qura ku wada dukan kara 30,000 oo qof.
Wuxuu sidoo kale leeyahay baakin gawaarida la dhigto, fasallo, hoolal shir iyo mid lagu cuno.
Wuxuu leeyahay afar minaaret oo mid kasta ay dherer la’eg tahay 68 meters.
Halkan ka daawo sawirrada laga soo qaaday Masjidkan.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!