crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Lammaane Muslimiin ah ay hadyado u guddoonsiiyaan ilmaha wadne-xanuunka qaba. | HimiloNetwork

Sababta Lammaane Muslimiin ah ay hadyado u guddoonsiiyaan ilmaha wadne-xanuunka qaba.

MUQDISHO (HN) — Lammaane Muslimiin ah oo cunug laba jir ah oo ay dhaleen u geeriyooday xanuunka wadne xanuunka ayaa go’aansaday inay raaadkiisa nooleeyaan iyaga oo dadka ku jira isbitaallada ee wadnaha ka xanuunsan.

Yahya Rawat, wuxuu ku dhashay xaalado xanuunka wadnaha ah oo isbiirsaday mana loo fileyn inuu sii noolaan doono laba bil kaddib. Wuxuu ku dhintay dhabta hooyadiis sannadkii 2020.

Kadib dhimashadiisa, hooyo Aasiya iyo aabbe Cimran waxay hadyado carruurtu ku cayaaraan ay u geeyaan ilmaha sida wiilkooda oo kale la xanuunsan cudurka wadnaha.

Hadda oo isbitaalka dib loo dhisay, labadan lammaane ayaa doonaya inay sii wadaan halgankooda.

“Yaxya wuxuu ku dhintay laba jir,” ayay tiri Aasiya. “In kasta oo aan tabayno haddana tallaabta aan deeqaha carruurtu ku dheelaan ugu geynayno isbitaalka waxay ka dhigan tahay sida inuu nala joogo.”

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!