crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hindiya: Haweenka umula oo loo kordhinayo waqti nasiineedka gunneysan | HimiloNetwork

Hindiya: Haweenka umula oo loo kordhinayo waqti nasiineedka gunneysan

Delhi, India (Himilonews) – Baarlamaanka Hindiya ayaa meel mariyay sharci waqti kordhinta gunneysan ee loo sameynayo haweenka umula.
Sharciga cusub ayaa ku dhaqan-gala xarun kasta oo ay ka shaqeeyaan shaqaale ka badan 10 dhedigood.
Wasiirka shaqaalaha, Bandaru Dattatreya ayaa sharcigan ku sifeeyey mid hadiyad u ah haweenka Hindiya.
Hindiya hadda waxay soo galaysaa dalka saddaxaad ee siiya waqti nasiineedka gunneysan ee haweenka umula, marka laga soo tago dalalka Kanada iyo Norwey.
Sharci waxaa markii ugu horreysay lasoo mariyayu aqalka sare ee barlamaanka sanadkii hore, hayeeshe wuxuu dhaqan-galay markii aqalka hoose uu ansixiyay.
Si kastaba, haweenka waxaa loo oggolaanaya fasax dhan 26 toddobaad inta ay laba dhal ka noqonayaan. Markaas kadib, waxay caadiyanba kusoo noqonayaan fasax ku dhan 12 toddobaad.
Geyfanayaasha ayaa tilmaamay in sharcigan u sahli doono haween badan inay sii wataan wax-barashadooda kadib uurka.
Sahan ay ururisay shirkad lagu magacaabo Assocham sanadkii hore ayaa lagu muujiyay in rubuc kamid ah tirada haweenka dhala ee Hindiyaanka ah ay ka haraan tacliinta.
Hayeeshe waxaa jira dhaleeceymo laga muujinayo sharciga oo tilmaamaya inuu xakame adag ku giijinayo go’aanka iyo doorashada shirkadda.
Maneka Gandhi, oo ah wasiiradda haweenka iyo dhallaanka ee Hindiya ayaa sharcigan ku tilmaamay taariikh cusub oo lagu daray sooyaalka Hindiya.
“Tani waxay haween badan ku kaalmeyn doontaa inay soo ababiyaan dhallaan caafimaad qaba,” ayay tiri.
Isha: http://himilonetwork.com://himilonetwork.com
Nagala soo xiriir: himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!