crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Sababta Itoobiyaanku Hilibka ugu cunaan Ceyriin! | HimiloNetwork

Sababta Itoobiyaanku Hilibka ugu cunaan Ceyriin!

ADIS ABABA (HN) — Inta badan dunida, dadka waxaa la baraa in cunista hilibka ceyriinka ah uu u daran yahay – iyada oo laga eegayo halistiisa sarreysa maadaama uu hoy u yahay noolayaal ilma-aragti ah sida bacteria iyo cayayaanno kale. Balse gudaha Itoobiya, cunista hilibka ceyriinka ah wuxuu ka joogaa meel sare.


Marka aad marayso waddooyinka caasimadda, la yaab malahan inaad la kulanto maqaaxiyo laga cunayo hilibka ceyriinka ah. In kasta oo cunistiisu ay joogto tahay xilliyada ciidaha, aroosyada iyo fasaxyada, haddana waxaa jira in badan oo maalinle u cuna. Waxay kuu sheegayaan in cunista hilib ceyriinka uu awoodeeyo jirka; firfircooni iyo daaqadna uu ku abuuro xubnaha jirka, iyaga oo iska indha-tiraya halista caafimaad ee laga soo calaamadeeyey cunistiisa sida inuu sido nuuc gooryaannada kamid ah, iyo bacteria halis ah sida salmonella iyo E-coli, haddana waxay badigood doorteen inay cunaan.

“Dan kama galo wax kale,” ayuu yiri mid jecel hilibka ceyriinka ah isaga oo la hadlaya Vpro Metropolis. “20-kii sannadood ee lasoo dhaafay, waxaa ku cunayay ceyriinka, kamana qaadin wax xanuun ah. Jirkayga ayaaba jecel.”

“Waxay ila tahay in warkaasi yahay ku-tiri-ku-teen,” mid kale ayaa lasoo booday isaga oo ka hadlaya qatarta laga calaamadeeyey cunista hilib ceyriinka. “Dhawaan ayay ayeeyaday ku dhimatay da’da 114, hooyadayna iyada oo jirta 92 sanno. Waxayna ku cuni jireen ceyriinka ilaa maalmihii ugu danbeeyey noloshooda.”

Dr. Mesafint Abebe oo xarun caafimaad ku leh Addis Ababa ayaa sheegay in bukaanno badan ay u yimaadaan iyaga oo ka sheeganaysa xanuunno la xiriira cunista hilib ceyriinka, haddana wax yar kaddib marka laga dabiibo ay kusoo laabtaan iyaga oo isla sidii uga soo sheeganaya. “Waayo waxaysan dhaafi karin cunistiisa,” ayuu u sheegay Anadolu Agency.

Qofna ma oga halkii iyo sidii ay ku timid cunista hilibka ceyriinka ah. Balse sheeko ayaa tilmaamaysa in waagii uu socday dagaalkii Boqortooyada kala dhaxeeyey Muslimiinta ay ku qasabtay in ciidamadu ceyriinka ku cunaan hilibka, maadama dab uusan ka ag-dhaweyn.

Hayeeshe, dagaalkii markii uu idlaaday, Itoobiyaanku waxay sii wadeen cunistooda hilibka ceyriin. Waxayna noqotay cunto qaran oo ay si midaysan u wada cunnaan muwaadiniinta – u eegis la’aan qowmiyad iyo diin ahaan labadaba.

Hilibka ceyriinka waxaa la yiraahdaa tere siga, waxaana isaga oo lasoo kadaf-kadafeeyey lagu cunaa basbaas iyo wixii la halmaala.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!