crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Carruurteenna – Dhismaha Laamiyada iyo Dhaqanka Darawallada keebaa Halis u abuuri kara?! | HimiloNetwork

Carruurteenna – Dhismaha Laamiyada iyo Dhaqanka Darawallada keebaa Halis u abuuri kara?!

MUQDISHO (HN) — Meel aan la fileyn inay ka imaan karto halis joogto ah oo gaarsiisan geeri waa laamiyada ay ku safraan gaadiidka. Dabcanna, dadku ugu nugul ee halistaas ay u abuuran tahayna, waa carruurteenna.

Si kale marka loo dhigo, shilalka ay geystaan baabuurta maraysa laamiyada waxay 60% wax-yeeli karaan carruurta ay kula kulmaan laamiga, in ka badan dadka waaweyn. Dhowrkii dhacdo ee laga diiwaan-geliyay gawaarida jidadka ku jiira dadweynaha, carruurtu waa tirada ugu badan oo ay kasoo gaareen wax-yeelo dhimasho iyo dhaawacba isugu jirta.

Halistani waxay sida muuqata lasoo kowsatay taniyo markii dib-u-dayactir lagu sameeyey inta badan waddooyinka halbowlaha u ah isku socodka caasimadda. Waagii hore, sida la rumeysan yahay, majirin xawaare badan oo ay darawalladu ku kaxeyn jireen baabuurtooda maadaama ay ogaayeen inay wax-yeelo u keeni karto badqabka iyo jiritaanka gaariga.

Balse hadda oo ay heli karaan waddo nadiif ah oo aan jajab iyo leexasho toona laheyn, is-beddelka ka jira laamiyada caasimadda wuxuu yeelanayaa wajiyo kala duwan oo diraya laba farriin oo aan isku xiraya bilowga safar raaxo leh iyo dhammaadka saadaal la’aan ku jirta heer badqab ee carruurteenna

Marwalba oo aan halista jirta ku gaar-yeeleyno carruurta, micnaheedu ma ahan inay yihiin dhibanayaasha qura. Waxaa jira in kale oo da’da kala duwan isugu jira kuwaas oo qatarta laamiga ka jirta ku wax-yeeloobi kara. Balse carruurta oo u baahan hadiyo jeer fiiro gaar ah in loo yeesho xilliyada ay gudbayaan – iyo iyaga oo aan si miirqab leh uga foojignaan Karin xiinka gaariga soo rooraya, qaar badan ayaa si argagax leh iskugu daya inay orod ku dhaafaan laba dhinac ee laamiga. Mana dhacdo inay indhaha u dhammeystiraan baabuurta is feer-dhaafaysa. Darawaleyda oo sida muuqata, si aan harsi laheyn 12-saac ugu dhagan isteerin gaariga – halkaas oo qaarkood laga yaabo inay ruugayaan caleenta maandooriyaha leh ee Jaadka, waxaysan awoodi karin mararka qaar inay halhaleel uga celiyaan bareega halista sida kediska ah hortiisa uga soo muuqanaysa.

Walaaca la xiriira badqabka carruurteenna ee gudbitaanka laamiyada wuxuu soo if baxay markii gabar yar uu gaari ku jiiray mid kamid ah is-goysyada Waddada Wadnaha ay u dhimatay jugtii uu gaarsiiyay.

In kasta oo ehellada gabadha ay xanuun daran ku reebtay sida falkani uu u sababsaday nolosheeda, haddana ilaa xad waxay ku dadaaleen inay ka gaashaantaan in ficilkan mid lamid ah uu kusoo laablaabto. Waana markii ay dhalatay fikradda Askariga Jiifa in laga dhiso bartamaha laamiyada.

Askariga Jiifa waa dagaandag yar oo ka sameysan shub oo laga dhex dhiso waddada laamiga si gaariga ku socda xawaaraha sare uu u dhimo xawligiisa. Inta yar ee baabuurku ka tillaabayo Askariga Jiifa, waxay fursad siinaysaa qofka lug maalka ee doonaya inuu dhinaca kale uga gudbo laamiga. Taniyo markii fikraddani ku baahday laamiyada kale ee caasimadda, waxaa sida la tilmaamay aad u yaraaday shilalka baabuurta iyo badbaadada dadweynaha.

Inta badan shilalka nuucani ah waxay ku danbeeyaan geeri. Waxaa kale oo ay sababaan in xubnaha qaar ee carruurta ay naafo ka noqdaan. Taas oo noloshiisa inta ka dhiman beddelaysa.

Balse waxaa wali muuqata in halista ka jirta laamiyada aan laga bixin jawaabtii loo baahnaa. Waxaa iska cad in dhimashada cunug uu dardaro baabuurta ay gadaashiisa aanay tiiraanyo ku reebi doonin hooyadii dhashay oo kaliya, laakiin ay cabsi lasoo dersi doonto hooyooyinka kale oo markay maqlaan shil gaari uu goor hore wadnuhu xanuuni doono  – iyaga oo u baqaya badqabka ilmahooda.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!