HomeDunida MuslimkaIreland oo Gabdhaha Booliska u oggolaanaysa xirashada Xijaabka.

Ireland oo Gabdhaha Booliska u oggolaanaysa xirashada Xijaabka.

MUQDISHO (HN) — Booliska Ireland ayaa sheegay in – iyaga oo raacaya tallaabada Scottish-ka iyo Northern Ireland ay gabadha Muslimadda ugu oggolaadeen inay shaqadeeda ku xirato xijaab – ay hadda kaddib fursaddaas mid lamid ah ku raaxaysan karaan booliska Ireland.


Waxaa kale oo tallaabtan lagu dhinac oggolaaday in dadka aaminsan diinta Sikh ay xiran karaan maryo-dhaqameedkooda Turban.

UK, Australia, New Zealand, Kanada iyo kuwa kale ayaa oggolaaday in gabdhaha Muslimiinta ah ay shaqada ku xiran karaan xijaabka. Dalka Turkiga ayaa sannadkii 2016-ka wuxuu sidoo kale u oggolaaday haweenka booliska ah inay xirtaan xijaabka.

Himilo
Himilohttp://Himilonetwork.com
Zakariya Xasan Maxamed - waa helaha iyo mulkiilaha Shabakadda Himilo, qoraa, suxufi iyo geyfane u ol'oleeya arrimaha bulshada iyo degaanka. Wuxuu marqaatiga koowaad ka heystaa culuumta siyaasadda iyo maamulka.
RELATED ARTICLES

Most Popular

Recent Comments