MUQDISHO (HN) — Booliska Ireland ayaa sheegay in – iyaga oo raacaya tallaabada Scottish-ka iyo Northern Ireland ay gabadha Muslimadda ugu oggolaadeen inay shaqadeeda ku xirato xijaab – ay hadda kaddib fursaddaas mid lamid ah ku raaxaysan karaan booliska Ireland.
Waxaa kale oo tallaabtan lagu dhinac oggolaaday in dadka aaminsan diinta Sikh ay xiran karaan maryo-dhaqameedkooda Turban.
UK, Australia, New Zealand, Kanada iyo kuwa kale ayaa oggolaaday in gabdhaha Muslimiinta ah ay shaqada ku xiran karaan xijaabka. Dalka Turkiga ayaa sannadkii 2016-ka wuxuu sidoo kale u oggolaaday haweenka booliska ah inay xirtaan xijaabka.
You must log in to post a comment.