crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Robot ku jawaabaya 11 luqadood oo lagu soo kordhiyay Masjidka Xaramka ee Makka. | HimiloNetwork

Robot ku jawaabaya 11 luqadood oo lagu soo kordhiyay Masjidka Xaramka ee Makka.

MUQDISHO (HN) — Masjidka Weyn ee Xaramka Makka ayaa ugu dambeyntii soo kordhiyay kaashi-robot ah oo xujeyda Muslimiinta ah ka caawinaya inuu kaga jawaabo su’aalaha diiniga oo ay rabaan. Waxaase kasii yaab badan inuu kuugu jawaabi karo 11 afaf ama luqado ah haddii aad su’aal weydiiso.

Robot wuxuu xujeyda uga jawaabaya weydiimaha la xiriira fatwooyinka, acmaasha xajka iyo wixii la halmaala.

11-ka luqadood ayaana kala ah: Arabic, English, French, Russian, Persian, Turkish, Malawi, Urdu, Chinese, Bengali iyo Hausa.

Wuxuu ku shaqeeyaa awoodda internet-ka; waxaana la awoodi karaa in luqado iyo faahfaahinno dheeraad ah lagu kordhiyo. Waxaa loo adeegsadaa hage lagu jideeyo goor walba. Wuxuuna u diayarsan yahay inuu la xiriiro culimada ku sugan Xaramka.

Wuxuu ku socdaa afar addimood; waxaana ku raran qalabyar oo habraaca u sahlaya. Waxaana sidoo kale ku rakiban kaamirooyin iyo codbaahiyaha awoodi kara inay qabtaan ama duubaan humaagga iyo sawaxanka goobta.

Waa qalabkii ugu horreeyey ee lagu soo kordhiyo xamarka kaas oo xujey-la-jaal ah. Sannadkii hore, sidaan oo kale, waxaa lasoo kordhiyay robot sahlaya inuu qeybiyo biyaha zamzamka. Waana qeyb kamid ah hiigsiga dhow ee sannadka 2024 oo lagu doonayo in adeegyada Masaajidda labada magaalo ee Maka iyo Madiina loo isticmaalo tiknoolojiyadda nuucii ugu dambeeyey.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!