Dhibaatooyinka  Soomaalida Koonfur Afrika loogu geysto (faallo)

Muqdisho (Himilonews) – Dhibaatooyika Soomaalida  ee Koonfur Afrika  ayaa soo badanayo muddooyinkan hayeeshee aynu dib u milicsano xiriirkii Soomaaliya iyo Koonfur  Afrika.
9sano kadib xuriyadii Soomaaliya Oktobar 21keedii 1969kii, waxaa afganbi aan dhiig ku daadan kula wareegay talada dalka ciidamo uu hoggaaminayey Allaha u naxariistee sarreeye gaas, G/S Maxamed Siyad Barre. Xilligaa wixii ka danbeeyay Soomaaliya waxa ay ku tallaabsatay hormar lixaad leh, hadey ahaan lahayd dhinaca dhaqaalaha, caafimaadka iyo waxbarashada.
Waxaa kale oo jiray wax qabad xoog leh oo ahaa gacansiinta wadamadii Afrika ee gumeysiga ku hoos jiray , taas oo kasoo bilaabatay xurriyadii 60kii kacaankuna uu sii dardar-geliyay. Dowladihii shacabka Soomaaliyeed garab istaageen oo ay ka shaqeeyeen xurriyadooda waxaa kamid ahaa Koonfur Afrika, oo maanta kamida wadamada ugu xoogan dhaqaala ahaan iyo maleteri ahaanba qaaradda Afrika. Iyada oo saraakiil katirsan xoogga dalka ay tababar iyo qalabeynba la garab galeen kuwii la dirirayay gumeysiga ee dalkaas.  Waxaase xusida mudan ayaa ah Koonfur Afrika abaalkii loo galay maxey ku guday?!
Burburkii dalka kadib waxey dadkeennu u qaxeen oo ay nolol u raadsadeen dalal shisheeye: qaarkoodna ganacsi xoogan ayeyba ka abuureen sida Koonfur Afrika oo noqotay sanadihii ugu danbeeyay meel dadkeennu aad loogu dhibaateeyo –naf iyo maalba.
Dhacdooyinka murugada leh isla markaana aan ka go’ayn xasuusta umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa kamida dhacdadii 2013kii  oo dhagaxa lagu dilay wiilkii dhalinyarada ahaa, dilkaasi foosha xun ayaa maalin cad jidka dhexdiisa loogu geystay oo ay ka danbeeyeen dad wax-magarato ah, kuwa kalana ay daawanayeen: dowlada dalkaasina aysan waxba ka qaban.
Hadaba abaalkii umaddeena ayaa sidaasi noqday. Soomaaliduna suugaan fara badan oo baroordiiq ah ayey ka tiriyeen dhacdadaas, xaalkuna wali sidii buu ku socdaa oo dhibaateyntii dadkeenna ayaa taagan  iyada oo malmahaanna lagu dilayey dhalinyaradeena: hanti fara badan oo ay lahaayeenna laga gubay, taas oo i xasuusiday dhacdadii 2013kii.
Waxaase ila habboon in Soomaalidu isaga soo noqoto Koonfur Afrika  oo ay ka tashadaan dhibtaas maadaama cidina u maqneyn ceel u qodneen:
  • South afrikaan waxshiyiyo waxma garad haka sugin isxaane Soomaalaay soo noqo.
  • South Afrikaankiyo silicuu noo geystay sina uma hilmaanee Soomaalaay soo noqo.
  • Saldhigyadiinii iyo sarihiinibaa idin sugayee soo noqo Soomaalaay .
  • Samihii aad u gasheen sowtkiyo sahaydii wey sahwiyeene Soomaalaay soo noqo.
  • Saacidaadii shalay saxariir baad ku hesheene soo noqo Soomaalaay
  • Seddex xidigle iyo saraakiil South Afrika wan kuweynee soo noqo Soomaalaay.
  • Sina uma halmaano samaan danbana kuma sadaqnee ka soo noqo Soomaalaay.
  • Saraakiishii shalay ku samata bixisay hadaad saluugtay adna samaan ha sugin South Afrikaay.
  • Inay salgaaraan oy ku sara kacshaan adna sugo South Afrikaay.
Aragtida ku jirta maqaalkan waxaa gaar u leh qoraheeda Abdikariim Mo’allim Mohamed Ibraahim – oo marqaatiga koobaad ee jaamacadda ka heystaa culuumta maamulka iyo dhaqaalaha. Waana bare wax ka dhiga macaahida qaar kamid ah ee magaalada Muqdisho.
Kala xiriir: musahaf9@gmail.com ama +252618103388.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!