MUQDISHO (HN) — Koobka adduunka sannadkan maadaama lagu qabanayo dal Muslim ah markii ugu horreysay taariikhda, waxaa laga diiwaangelinayaa sheekooyin xusuus iyo taabaggal ku noqon doonaa hadda kaddib geeddisocodka dhacdadan caalamiga ah.
Jimcooyinkii lasoo dhaafay, garoomada kubadda cagta lagu dheelayo ee Qadar waxaa lagu arkayay bandhigyo cajiib ah oo boqollaal kun oo Muslimiin taageerayaal ah ay isugu soo baxayaan si ay wadajir ugu oogaan salaadda Jimcaha.
Codbaahiyayaal waaweyn ayaa la suray waddooyinka si khudbadda Jimcaha looga dhageysto. Xattaa waxaa gidaarrada masaajidda ku teedsan laamiyada laga dhigay muraayado si dadyowga aan Muslimiinta ahayn ay u arkaan sida ay Muslimiintu u tukadaan.
Waxa xiisaha iyo ashqaraarka leh waa inay jamaacada salaadda ku oogeysa bannaanka ay ka kala yimaadeen dunida dacalladeeda gaar ahaan waddamada Islaamka ah.
You must log in to post a comment.