crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> sheekada ku dahsoon Kashmiir!! | HimiloNetwork

sheekada ku dahsoon Kashmiir!!

Qeybtii ugu danbeysay ee saddexaad;
Muqdisho (Himilonews) – Caruurta reer Kashmiir waxay ku koreen daawashada xabaalo-wadareedyada lagula kaco dadkooda. Marka qof la xabaalaba, bulshadu qalbigay ku qabtaan mahadhadiisa. Taariikh werintu waa hubka ugu weyn ee ay dadka reer Kashmiir kaga hor tagaan qarqarsiga qur-goynta ah ee dowlada Hindiya. Xittaa ku-hoos-noolnimada gumeysiga Hindiya, sheekooyinka dad dhintay lama aamusin karo.
Qoysaska dadka maqnaaday “la waayay” waxay sii wadaan u dagaalanka xaqiiqada. Bilkees Manzoor waxay kamid noqotay Ururka Waalidiinta Dadkoodii la waayay kadib kolkii aabaheed ka libdhay 2002. Xilli habeen-barkii ah ayay ciidamo kala baxeen gurigiisa. Tan iyo xilligaas indhaha kumay qaban. Manzoor waxay ku hal-adaygaysaa u dagaalanka xaqqeeda oo ah maqnaanshaha aabaheed iyo in Kiiskiisa ugu danbeyn uu tago Maxkamadda sare ee Hindiya. Manzoor waxay tawaawac ku sheegtay wicitaano badan oo kaga digayay inay kusii adkaysato sii wadista kiiskan. “Laakiin anigu cabsan maayo. Waan maleynayaa inaan ahay qof hal-adag. Waana inaan tan diiwaanka ku daraa. Waligayna ma joojinayo.”
Manzoor waxay sharaxday himiladeeda ku toogan Kashmiir. “Waxaan doonayaa madax-bannaani. Ciidamada hubeysani wax walba way burburiyeen. Noloshana way milga tireen—jirdil, dilal iyo kufsi. Tani waa innagu cabsi. Marka aan xornahayse, nolosha kuma xaraarugayno. Madax-bannaani inay hesho Kashmiir, laga yaabe xittaa nolosheenu inay bogsato.”
Halka reer Kashmiir iska caabin iyo halgan ugu jiraan madax-bannaani, halgankooda waxaa si balaaran u dafiray beesha caalamka. Khurram Parvaz ayaa ku cabaaday, “ Maxay Beesha Caalamku la aamusan tahay?! Dagaalka Hindiya ay ku baaqday dadka Jammu iyo Kashmiir wuxuu ahaa mid rafaad iyo rabsho ku dhisan. Wuxuuna asteeyey marxaladaha ugu halista badan ee la diiwaan-galiyo. Waxaynu u silceynay 20-kii sano ee u danbeeyey kama hooseeyo gaboodfallo, xasuuq iyo danbiyo dagaaleed hadana wali Beesha Caalamku way inaga aamusan tahay.”
Jeedaalinta harooyinka dheerdheer ee alpine iyo dooxada ay ku weegaaran yihiin buuraha, qofna ma caawin karo, hayeeshe, wuxuu malayn karaa Switzerland. Lahaanta dadyow ku dhow 7.6-malyuun, Switzerland ku dhawaad waa kala barka tira ahaan dadka ku nool Kashmiir tiradooda. Tiiyoo dhulka Switzerland aad u kooban yahay, waxay jaan-goynta qarasheed ee sanadlaha ah ku bixisaa ciidamadeeda 1%. Haddii Switzerland ay xor noqon karto, maxaa u diiday Kashmiir xornimadeeda?!
Wey adkaataye, Allow ur u bixi….abwaan AUN Cabdi Muxumed Amiin.
Waxaa Af-rogay Qoraaga Soomaaliyeed; Zakariya Hassan Mohamed.   
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!