MUQDISHO (HN) — 38 jir u dhashay dalka Japan ayaa dhawaan xabsiga la dhigay kaddib markii la sheegay inuu wicitaan nafta uga qaaday xaaskiisa – isaga oo 100 jeer ka badan wacaya maalin walba waxna aan u sheegeyn.
Haweeneyda uu qabo oo 31 jir ah, kana soo jeedda Amagasaki, dalka Japan ayaa wicitaan aan lala hadleyn – marwalba oo ay qabato mobilka – ka heshay nambar aysan aqoon. Wuuna sii waday ruuxan inuu aamuso marka laga qabto telefoonka muddo toddobaadyo ah. Maadaama uu kasoo wacayay nambar aysan aqoonin, waxaa ku adkaatay inay wicitaankiisa iska xiro ama baloogto.
Nasiib wanaag, habeen iyada oo fiidiyow game la daawanaysa ayuu si automatic ah usoo dhacay nambarkeeda, waxaana ay ogaatay in wacahuba uu yahay seygeeda. Markii la su’aalay sababta uu wicitaanka badan nafta uga qaaday xaaskiisa, wuxuu ku jawaabay waayo waan jeclahay gacalisadayda. Waxaana jecleystaa inaan dhawaaqeeda maqlo hadiyo jeer.”
Booliska Japan ayaa si kastaba sheegay in dhacdadani tahay tii ugu horreysay nuuceeda oo ay u diiwaangeliyaan lammaane is qaba misana wada nool.
You must log in to post a comment.