Nin si yaab leh gadaal iyo horayba ugu socon kara lugihiisa!
Posted by: Himilo
in La-yaabka
September 21, 2018
548 Views
Muqdisho (Himilonetwork) – Moses Lanham, oo ah 57 jir ku nool Michigan, ayaa awoodi kara inuu xaglihiisa u kala weeciyo laba jiho. Waxaana loo yaqaan Mr. Plastic.
Markii uu ahaa 14-jir ayuu daah rogay mucjisaddan cajiibka ah – isaga oo ku jira tababbar jiim ayuu ku dhacay dhulka wuxuuna is mooday inuu nitaaqmay, balse wuxuu ogaaday inuu caadi ku yahay xaaladda cusub oo uu isku arkay.
Baaritaan uu galay ayaa u caddeeyey inuu fiican yahay caafimaad ahaan. Taniyo markaasna wuxu dadka kaga yaabsanayay hibadiisa cajiibka ah.
Wuxuuna tiro laba jeer ku dhow ku guuleystay rikoor caalami ah oo mid kamid ah uu wali heysto ama aan laga jabin.
“Dad badan ayaa i weydiiya inay i xanuuneyso iyo in kale – laakiin waan ku raaxaystaa qof ahaan inaan ku socdo qaabkayga sirgaxan.” ayuu yiri.
Related
2018-09-21
You must log in to post a comment.