crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Wasiirka Diinta UK ayaa Ardayda Dugsiyada ugu yeeraya inay booqdaan Masaajidda. | HimiloNetwork

Wasiirka Diinta UK ayaa Ardayda Dugsiyada ugu yeeraya inay booqdaan Masaajidda.

London (Himlonetwork) – Wasiirka Diimaha UK, Lord Bourne, ayaa wareysi uu siiyay The Times ku dhiirri-geliyay ardayda iskuullada hoose ee Britain inay safar ku bixiyaan Masaajidda Muslimiinta si ay ula dagaallamaan Islaam naceybka jira.
“Inta badan waxaad arkaysaa waalidiin oranaya; carruurteenna ma hubno inaan la rabno inay u baxaan masaajidda Muslimiinta,” ayuu yiri Lord Bourne.
Kaligiisna kuma ahan soo jeedintan. Waxaa la qaba siyaasiga xisbiga Welsh Conservative Party oo qaba in la mataaneeyo habka ka caawinaya masaajidda iyo kaniisadaha inay wada shaqeeyaan.
Balse qof walba lama dhacsana tallaabadan. Dr. Antony McRoy oo ah qabiir ku dheeraaday arrimaha Islaamka ayaa dood ka keenay soo jeedinta.
Wasaaradda Diimaha British ayaa lagu wadaa inay xiriir wada shaqeyn dhow ah la yeelato qeybaha kala duwan ee bulshooyinka diimaha si ay ugu noolaadaan isku dulqaad, iyo walaalnimo.
Islaamka ayaa ah diinta labaad ee ugu weyn UK kaddib diinta Masiixiga. Muslimiinta UK aya inta badan ku nool caasimadda London.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!