crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Hal Sawir oo laga qaaday ayaa Noloshiisa oo dhan bedeshay! | HimiloNetwork

Hal Sawir oo laga qaaday ayaa Noloshiisa oo dhan bedeshay!

ISLAM ABAD (HN) — Sannadkii 2016-ka, Arshad Khan wuxuu ahaa shaahle ‘Chaiwala’ waddooyinka caasimadda Pakistan ku iibiya shaaha, laakiin maalintiisii ayaa timid isaga oo shaqadiisa caadiga ah iskaga jira.

Sawir-qaade goobta marayay ayaa sawiraddii uu goobta ka qaadayay waxaa ka qeyb noqday sawirka Arshad.

Qoyskiisu waxay ku dhawaad 30 sanno ka ganacsan jireen iibinta shaaha. Hayeeshe, sawir-qaade Javeria Ali ayaa maalin isaga oo rugtooda ku sugan wuxuu sawir aan lagu tala-galin ka qaaday Arshad.

Laakiin in yar kaddib maanu fileyn in sawirkaas uu ka qaaday shaahlahani uu soo jiidan doono dad badan oo baraha bulshada ku xiriira. Waxaana dadku ay su’aalo iska weydiinayeen halka uu ku nool yahay shaahle indhihiisu ay buluugga yihiin.

Cabista shaaha iyo ka-ganacsigiisu oo la yiraahdo ‘chaiwala’ wuxuu qarniyo badan kamid ahaa dhaqanka Pakistan. Laakiin hadda hadda waxay summad lagu baadi-sooco u noqotay yarkan lala dhacay muuqaalka sawirkii laga qaaday isaga oo shaaha shubaya.

Shirkado badan ayaa codsi ah inuu xayeysiis u sameeyo ka dalbaday si qalabka ay iibiyaan suuq loogu helo.

Wuxuu jiray da’da 17 jirka markii lama-filaankani uu noloshiisa oo dhan wax ka bedelay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!