MUQDISHO (HN) — Caasimadda Kanu ee waqooyiga Nigeria, booliska Islaamiga ah ee loo yaqaan Xisbada ayaa qaaday howlgallo lagu burburinayay – albaabadana la iskugu dhifanayay – goobaha u furan in lagu qamaartamo – iyaga oo lagu eedeeyey inay suuqa madow ku shaqeystaan isla markaana ay ku jiraan falal ka dhan ah Shareecada Islaamka.
Tani ayaa daba socta khalkahl ku dhacay nolosha dhaqandhaqaale ee gobalka oo qamaarku uu si xooggan ugu dhex faafay gobalkan looga dhaqmo Shareecada Islaamka.
“Waad la socotaan in qamaarku uu Islaamku reebay,” Mujahid Aminudeen oo ah ku xigeenka Xisbada ayaa u sheegay BBC.
Faalladiisa ayaa marag fur u noqotay xikmadda ballaaran ee ka dambeysa sababta uu Islaamku u reebay qamaarka maadaama uu naafeeyey dhaqaalihii gobalka. Balse tallaabadan ayaa sidoo kale ku timid codsi cabasho ah oo ay soo gudbiyeen culumada deegaanka iyo odayaasha.
Mana ahan inuu kaliya cuuryaamiyay dhaqaalaha qamaarku. Wuxuu sidoo kale arday badan ka reebay tacliinta ama wax barashada iyaga oo qabatimaya caadadan foosha xun.
Howlgalkii ay qaadeen, si kastaba, waxay ku xireen ku dhawaad soddomeeyo xarumood oo lagu qamaartamo.
Kanu waxaa looga dhaqmaa labo sharci oo ah midka Islaamiga ah ee ku dhisan Shareecada iyo midka Calmaaniga ah. Xisbada ayaana inta badan diiradda saarta goobaha ay ku badan yihiin bulshada Muslimiinta.
Sharadka ama qamaarka lagu galo kulamada cayaaraha ayaa ku baahay Nigeria, waxaana uu la yimid culeysyo badan oo dhinaca dhaqaalaha ah.
“Dhaqaalaha xumida jirta waa calaamado uu Ilaahay noogu sheegayo inaan wax ka beddelno sida aan u ganacsanno,” ayuu yiri Mujahid.
Taniyo markii Shareecada Islaamku ku dhaqankeeda laga hirgeliyay 11 gobalka oo Nigeria ku yaalla oo Kanu kamid tahay, waxaa gebi ahaanba la reebay ka ganacsiga jirka ama dhillaysiga, qamaarka iyo cabidda qamriga.
Dadaalkan dambana wuxuu qeyb ka yahay xoojinta ku dhaqanka Shareecada Islaamka.
You must log in to post a comment.