crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslimiin ku tukaneysay fagaaraha Clichy oo fal cunsurinmo ah lagula kacay | HimiloNetwork

Muslimiin ku tukaneysay fagaaraha Clichy oo fal cunsurinmo ah lagula kacay

Paris (Himilonetwork) – Qiyaastii boqol  ka mid ah siyaasiyiinta Faransiiska ayaa isugu soo baxay wadooyiinka magaalada ku taalla duleedka Paris iyagoo ka cabanaya dad Muslimiin oo ah salaadii jimcaha ku tukaday goob fagaara ah.
Siyaasiyiintan oo xirnaa dhar leh midibo kala duwan ayaa waxa ay ku luuqaynayeen heesta astaanta qaranka .
Dadkan dibad baxa dhigayay ayaa waxa ay carqaladeeyeen dad muslimiin ah oo dhan 200 oo qof oo ku tukanayay fagaara ku yaalla Clichy, iyadoo booliiska ay kala dhex galeen labada dhinac inkastoo isku dhac kooban uu dhexmaray.
Dadka ka soo horjeeda in dadkani ay halkaasi ku tukadaan ayaa waxay ku doodeen in ay tahay mid aan la aqbali Karin in la isticmaalo goob fagaara ah iyada oo Faransiiska uu yahay dal ku dhisan nidaam cilmaani ah.
Duqa magaalada Rémi Muzeau ayaa Wasaarada arrimaha gudaha ugu baaqay in ay mamnuucdo in dadka ay ku cibaadaystaan fagaarayaasha.
Hasa yeehsee Muslimiintii goobta fagaaraha ah ku cibaadaysanayay ayaa waxay sheegeen in aysan haysan goob ay ku tukadaan maadaama goobtii ay ku tukan jireen ay bishii March la wareegtay dowladda hoose.
Faransiiska ayaa waxaa ku nool shan milyan oo Muslimiin ah, waana wadanka Muslimiinta ugu yar ay ka noolyihiin galbeedka Yurub, waxaana arintan ay kala qeybsanaan ka dhalisay dalkaas.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!