crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Qormo – Dal-jir Dadkiisa ka didaya miyaa Dalkiisa dhowri kara?! | HimiloNetwork

Qormo – Dal-jir Dadkiisa ka didaya miyaa Dalkiisa dhowri kara?!

Muqdisho (Himilonetwork) – Waqtigii halganka, dadku waxa ay ugu jeclaayeen ninka ama qofka qoriga sita ee difaacaya xorriyaddii dalka u baahnaa, Maadaama uu xilligaasi dalka ku jiray in uu madax banaani ka qaato gumeystiyaal Reer Yurub ah.
Gobollo badan, askarta ayaa laga xun yahay muuqaalkooda. Umadda Soomaaliyeed  inteeda badan waxa ka muuqata in aanay wax fahan  iyo aqoon ama abaal ah intaba u heynin askarigooda. Dadkeennu waxa ay jecel yihiin  in sameeyaan  waxay doonaan, iyaga oo jecel in aan laga hadlin waxa ay sameynayaan.
Meelo badan weli is­fahanka bulshadda iyo askariga ayaa ka maqan. Askarigu in uu yahay dirane bulshadiisa ah oo ammaankooda sugaya: cadowna aan ku aheyn dadkiisa isla markaasna ilaalinaya guud ahaan sharciyada iyo qawaaniinta askarinimada iyo ciidan ay tahay in uu fahmo.  Midka dharka askarta loo xiray shacabkuna waa in ay gartaan in askarigani yahay midka ay ku jiifaan Eebe ka sokow. Midka isaga oo aan waxba qaadanin, dhiiggiisa u diyaariyay nolosha iyo farxadda kuwa kale.
Marar badan waxa aynu aragnaa dadyow askarta kala hor­tagaya waxyaabo aan fiicneyn sida Shiid, dagaal, xabado iwm. Askartu ma ahan cadow ku soo duulay dadka iyo dalka waa daljirtii dalka. Xaaladda shacabku faraha kuma hayn karo, wixii meel ka dhaca si aanay intaasi u sii dhaafin ama waxyeello kale ayna dadka u dhex­marin waa in ay askartu soo gaartaa. Haddiise marka qof idin kala bad­baadinaya la idin dhex­dhigo aad tiraahdo askar ayaa naloo dalbaday waa adiga oo jecel in dadku ay dhiiggooda baneystaan.
Dhanka kale, waxaa la sheegaa in ay maqan tahay awooddii is dhex­-galka shacabka iyo askarta taasi oo marba marka danbeya daciifineysa in ciidamadu awoodooda ay balaarin sameyso.
Xilli kasta oo ay askarteennu bulshada ka dhigtaan bar-tilmaamed taasi micnaheedu ma ahan in la helayo xasilin.  Meel u baahan amni iyo kala danbeyn in lagu soo dabaalo, la fal-gelidda iyo isla socoshada oo dhex marta shacabka iyo ciidamadu waa tan ugu saxan ee lagu heli karo nabad iyo horumar waana habka kaliya ee lagu gaari karo murtidii aheyd: Nabad baa Naas la nuugo leh.
Qore: Mahamed Hassan Mahamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; daacadyare210@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!