crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjidkii UGU horreeyey oo laga dhisayo Caasimadda Athens. | HimiloNetwork

Masjidkii UGU horreeyey oo laga dhisayo Caasimadda Athens.

Athens (Himilonetwork) – Caasimadda dalka Giriiga ayaa isku diyaarinaysa wajigii ugu danbeeyey dhimsha Masjid nuuciisa kii koobaad oo laga dhiso kaas oo dhici doona bartamaha magaalada Athens, sida ay soo xigatay Greek City Times.
“Caqabidihii nagu hor gudbanaa waxay ugu danbeyn u muuqdaan kuwo sii dhammaanaya,” ayuu yiri  Asher Haider, oo xubin ka ah Guddiga Muslimiinta magaalada Athens ayaa u sheegay saxaafadda.
“Waxaan ku han iyo rajo weynnahay in Masjidku uu ugu danbeyn bilaabo howlahiisa cibaadada iyo barashada diinta Islaamka,” ayuu sii raaciyay.
Degmada laga dhisayo Masjidka oo la yiraahdo Votanikos wuxuu qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo dhammaadka sannadkii hore. Wuxuuna noqonayaa kii ugu horreeyey abid laga dhiso Athens qarniyo kaddib.
Masjidku malahaan doono wax miraanet ah, wuxuuse leeyahay qeybo u kala xiran ragga iyo dumarka oo ay ku cibaadeystaan.
Doodda ku saabsan in Masjid laga dhiso Athens waxay soo taagneyd muddo badan, waxayna caasimaddu aheyd midda kaliya ee Yurub kamid ah oo aan laheyn Masjid.
Xaqiiqdii, Athens malahaanin wax masaajid ah taniyo markii Giriigu uu xurnimadiisa ka qaatay Khilaafadii Cusmaaniyiinta sannadkii 1833-kii.
Masaajidda ka haray Boqortooyada raadkeeda waa  Tzistarakis oo loo bedelay matxaf, iyo Fethiye oo loo bedelay baqaar wax lagu keydsado.
Taniyo markaasna, Muslimiinta Giriiga waxay ku dukan jireen goobaha la iskugu yimaado ee barxadaha iyo garoomada.
Hadda dhismaha Masjidkani wuxuu helayaa taageerada wasaaradaha qaar ee dowladda Giriiga oo ay kamid tahay midda wax-barashada.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!