Tibet (Himilonetwork) – Isaga oo oogada sare ee badda ka sarreeya 3650 meters, Masjidka Hebalin oo sidoo kale la yiraahdo Lhasa oo ku yaalla gobalka Tibet ee dalka Shiinaha, waxaa loo arkaa mid kamid ah masaajidda uGu dheerdheer adduunka.
Masjidkan oo la dhisay sannadkii 1716, waxaa dib u dayactir lagu sameeyey sannadkii 1959-kii.
Masjidku wuxuu leeyahay saddex ilin oo laga soo galo, wuxuuna ku fadhiyaa bad dhan 1,300 m2 oo ay ku dhan yihiin goobo weysaqaad, baakin, musqulo, hoolal lagu kulmo iyo wixii la halmaala.
Naqshadda Masjidka waa mid ku dhisan hannaanka dhismaha maxalliga ah ee gobalka. Gudaha Masjidkana waxaa lagu naqshadeeyey hannaanka dhismaha Islaamiga ah.
You must log in to post a comment.