Caddayn: Darbi-jiifta qaar ayaa ka xarrago iyo labis jecel Maal-qabeennada.

Muqdisho – Darbi-jiifnimadu waa mushkilad caalami ah iyo dhibaatooyin bani’aadnimo oo qeyb ka ah caqabadaha nololeed ee Insaanka ku gadaaman. Noqoshada qof dib-jir ah oo jiifsada gidaaradda waa waaya’aragnimo xanuun badan.
Qof kasta oo ina Aadan wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xaqa aas’aasiga u ah nolosha sida hoy, hunguri iyo hu’. Saddexdaas midkood marka uu qofku waayo, wuxuu ugu yaraan qeyb ka noqdaa mushkiladda gaarkiisa kaga saarta guud ahaan mujtamaca. Hayeeshe waa tallaabta ugu danbeysa ee dadku tilmaanteeda siiyaan magaca dib-jir ama darbi-jiif marka ay arkaan qof aan lahayn gabaad ama guri uu ku hoydo.
Waana sax oo inta baahida la nool oo dhan mawada ahan darbi-jiif. Balse dhammaan dadka dib-jirta ah waxay ku sugan yihiin nolol aad ugu nugul gaajada iyo gabaad xumida.
Sidaas darteed, qof walba oo noqda darbi-jiif, wuxuu la nool yahay waaya’aragnimo uusan fahmi karin qof kasta oo gaajooda ama diihaalka nololeed ku dacdaraysan.
Hayeeshe, halka dhammaantood laga yaabo inay kuu muujin karaan ama aad wejigooda ka aqrisan karto diifta ka muuqata, haddana in kamid ah – oo ku qanacsan waaqiceeda – ayaa ku tusi kara weji kale oo aadan ka murgin. Waxay dhabtii ku xusuusin karaan in cidna aysan gaar u lahayn xaragada iyo is qurxinta. Tabaaluhuna aysan ahayn kuwa go’aamiya sida aad u ekaanayso.
Arrad waa dan, uskagse waa doqoniimo.
Micnahayga, qasab ma ahan qofku haddii uu waayo sida ugu fiican oo uu jeclaa inuu u noolaado sida ugu xun ee uu heysto. Haddii aan dhammaanteen jecel nahay inaan helno dhar qurux badan, gaari iyo deegaan bilic leh, suura-gal ma ahan inaan wada helno. Balse annaga oo dhan waa u noolaan karnaa sida ugu fiican ee aan heysanno.
Xataa kitaabkeenna waxaa ku cad inay jiraan dad dhowrsanaanta iyo is-qurxin awgeed inta maan-gaabka ahi moodayso inay ladan yihiin. Waayo waxay ka waayeen sifada ay ku baadi-soocaan dadka liita. Taas ayaa keeneysa in loola dhaqmo sida qof ixtiraam mudan.
Ilaashiga heybta qofnimo ma ahan tallaab ama sifo gaar loogu helo huwiyada qowwmiyadeed ama diimeed. Waa abuurka insaaniga ah ee ruuxa Ilaahay ku uumay kaas oo ku qasba inuu sumcaddiisa ku ilaashado tayada kartidiisa iyo tirada hantida uu leeyahay. Micno malahan heerka uu qofku hanti ahaan uu gaarsiisan yahay.
Doqon ma ahan Ninka liita, Diric ma ahan Kan ladan!!
Waxa aan ugu riyaaqay sheekada nin dib-jir ah oo dalka Unkraine u dhashay kaas oo, in kasta oo noloshiisu tahay mid heer la sheego aan ku taagnayn, haddana ogsoon in riyada quruxda badan oo uu jeclaa aysan noqon mid la dhimata tabaalaaha adag ee noloshiisa ku sugan tahay.
Ninkan, oo 57-jir ah, laguna magacaabo Slavik wuxuu sanadkii 2014-ka kusoo shaac-baxay baraha bulshada markii la baahiyay sawirro kala duwan oo uu galay isaga oo xaragoonaya.
Layaabka lala amakaagay ayaa noqday inay caadadiisa tahay inuusan maalin kaliya hal isku joog wada qaadan, balse gelin hore iyo gelin danbe u kala qaato. Wuxuu waliba jecel yahay inuu kusoo muuqdo dharka soo jiidashada leh ee isku soo baxa marka la isku geshto.
Waxaa intaas dheer, dhoolla-caddaynta iyo furfurnaanta qofnimo oo uu ku qaabilo dadka hareerihiisa ayaa keentay fiiro gaar ah in loo yeesho. Wuxuu sidoo kale halkaas ku tuuray, falsafadda xun ee dadka loogu yeero materialist – oo ah kuwa aaminsan in lacagta ay nolosha gun-dhig u tahay – kuwaas oo qaba in qof walba uu wax ku yahay heerka lacagtiisu gaarsiisan tahay.
Runtii waxay isaga ahaan tallaabtani u tahay madadaalo iyo farxad nafsi ah. Hayeeshe waxay kumaakun tusaale ama casharro wax ku ool ah  u tahay kuwa lamidka ah ama ka yara sarreeya dhaqaale ahaan kuwaas oo garan waayay inay quruxsadaan adduunka yar ee gacantooda ku jira.
Slavik-fashionable-homeless3-550x828 Slavik-fashionable-homeless2-550x828
Alle wuu Qurux badan yahay – wuuna jecel yahay kuwa is qurxiya.
Sideedaba, qofku inuu hadiyo jeer diyaarsan yahay, dad badan baa qalad ka fahma. Ayaan-darradii kasii xuni waxay tahay in kuwa ladan ay fikraddaas sirgaxan xanbaarsan yihiin. Waxaad arkaysaa dad lagu leeyahay way ladan yihiin oo aan ka turjuemyn ladnaantooda. Waa sharaf qofku inuu goor allaale shaxartaan yahay. Xirashada dharka kuugu fiican iyo adeegsiga waxa kuugu qaalisan oo aad hanti u leedahay waxay si ficil ah kaga turjumeysaa aayadda ku jirta suuratul-Duxaa oo Alle ku leeyahay: ka sheekeey nimcada Alle ku siiyay.
Illeen Soomaalidu waa indha-ku-garaadlee, markii tusaalahaas laga arkay qaarka ladan, inta ku xigta, heer ahaan, ayaa duuduub ku aqbalay. Taasi waxay la timid in aqlabiyadda bulshadu noqoto kuwa si fudud dhibta heysata looga dheehan karo aragooda.
Halheyska ah lagaama qurux badnee, yaan lagaa qubeys badnaanin, wuxuu dhabtii iila muuqdaa mid aan sidii la rabay u dhaqan-gelin. Waayo waxaan idilkeen ku sifownay halheyskii ahaa: qof waliba wixii dhibay dhafoorkay ku taalla. Waa sax qofku duruufta nololeed si un way kaga muuqan kartaa, laakiin qasab ma ahan inay noqoto heyb lagu baadi-sooco.
In kasta oo ay jiraan dhaqamo fool-xun oo nagu gaamuray oo aanba qaadan karin in qofku hadiyo jeer is qaabeyn karo, oo dadku moodayaanba haddii uu labiska iyo xaragada badiyo in fikir taban laga qaadanayo ama loo arkayo mid ku takri-falaya nimcadda uu heysto, haddana waa lama huraan in qof walba uu yeesho muunad loo riyaaqo.
Dhibta aan qabno ma ahan sida aan dhaqaale ahaan u hooseyno. Aragtidayda, waa garasho la’aanta sida liita oo aan u qaabili weynay ku kala duwanaanshaheenna nolosha, midda dhalisay inaan ujeedda badanta nolosha hal dhinac ka eegi weyno. Haddii mid walba oo innaga mid ah uu quruxsan lahaa kaalinta uu bulshada kaga jiro, waxaa soo bixi lahaa mujtamac wada iftiimaya.
Sidaas awgeed, agteenna waxaa taalla laba doorasho: inaan aqbalno in ad-adeyga iyo duruufaha nolosha ay oogadeenna ka muuqdaan; ama inaan kaga xoog-badinno is qurxin iyo niyad-sami. Tallaabtan danbe ayaana noo wada fiican. Waayo si walba oo caqabaduhu isku soo taraan, waxaa xaqiiqo ah in maalin un lagaga bogsan doono barwaaqo iyo kheyr.
Maxaan u hilmaannay murtidii ahayd: “Dhar quruxsan xiro; nolol fiican ku noolow; shahiidnimada ku dhimo.?!”
Waa la doojiye yaan la dacaroon
Sida aad doontaba u fasiro, laakiin marna hamoogaan muuqaalka aad maanta kusoo qaabisho bulshadaada, waxay saameyn togan ama taban ku yeelan doontaa mustaqbalka danbo. Waana taariikh aan marna kaaga harin meel walba.
Marka maanta un go’aami in kolka mustaqbalka aad wax noqoto lagu yiraahdo: waa kii duruufsanaan jiray  oo hadda un daba-ka-xanaaq noqday ama waa dhaqanihii dhowrsanaan jiray oo maantana hodmay!
Hooyaday AUN ayaan xusuustaa inay cillaansan jirtay mararka qaar oo xaaladuhu ku adkaadaan, markaas ayaan dhihi jiray: “Waad iska cillaansanaysaa oo kaama qasna.” Jawaabteeduse hadiyo jeer kama dheereyn: “Hooyo nolosha waa loo quruxsanaadaa. Shiidka waa laga cillaansadaa.”
Hadalkeedu markaas wuxuu iila muuqan jiray mid dhayal iyo kaftan ah. Balse markii aan garaadsaday oo aan nolosha ad-adeygeeda u ban-baxay, waxaan ogaaday sida saxda ah oo ay iila dardaarantay. Waayo nolosha adag oo aad ku nooshahay cidna ma ogaan karto illaa aad adigu oggolaato in lagaa fahmo.
Guntii waxaan ku talinayaa inaynan nolosha u noqon addoomo, balse aan adeegsanno fursadaha muuqda oo ay lasoo baxdo – innaga oon ka tagaynin shaadirka dhowrsanaanta iyo xarragada.
Xusuusnaadana, Suubanaha NNKH ma ahayn hodantiile adduunkiisa kala garan la’, haddana wuxuu ahaa mid qurux badan marxalad kasta oo uu ku sugan yahay. sidee inala tahay haddaan in yar ka qaadanno tusmadiisa oo aan nolosheenna maanta ku dabaqno?!
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!