crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Kenya oo laga mamnuucayo isticmaalka Bacda ‘Plastic Bag’ | HimiloNetwork
Plastic bag

Kenya oo laga mamnuucayo isticmaalka Bacda ‘Plastic Bag’

Muqdisho (Himilonews) – Dowladda Kenya ayaa ku celcelisay in mamnuucista bacaha balaastiga uu meel-maray, marka la gaaro 28-ka bisha August-na uu dhaqan-gal noqon doono.
 Xog-hayaha Wasaaradda Deegaanka, Biyaha iyo Ilaha Dabiiciga ah, prof. Judy Wakhungu ayaa sheegay in isticmaalka, sancada iyo soo dhoofsiga bacaha balaastiga ay noqon doonto danbi iyo sharci-darro kadib taariikhda dhaqan-galka.
Marka loo eego Wakhungu, qof kasta oo kahor yimaada mamnuucista laguna helo falalka liddi ku ah, waxaa lagu abaal-marin doonaa sida sharcigu qabo.
“Waxaan filayaa inaan Kenyan-ka oo dhan ogeysiiyo in goor-sheegtadu ay u gaatin-soconeyso gaarista waqtiga uu dhaqan-galayo mamnuucista bacaha. Waxaan idin ku bogaadinayaa inaad la qabsataan shuruucda laga soo saaray mamnuucista bacaha, dhamaanteenna aan u wada shaqeyno hubsashada dowlad hufan oo caafimaad qabta,” ayuu yiri Ms Wakhungu.
Waxaa la aaminsan yahay in kuwa ku gacan-seyra mamnuucista loo adeegsan doono awoodda xeer hoosaadka 3aad qodobkiisa 86aad ee wasaaradda. Waxaa lagu ridi doonaa ganaax aan ka yarayn 2 million oo Ksh ama xabsi muddadiisa aan ka yarayn afar sano ama isku darka labada ganaax.
Tani waa isku daygii saddexaad oo lagu mamnuuco bacda balaastiga gudaha Kenya. Sanadkii 2007, waxay sameysay mamnuucis aan caga adkeyn taas oo ku danbeysay fashil. Hayeeshe waxay sare u dhigtay canshuurta lagu soo degsado bacaha.
Xag-hayaha guud ee Yoolka Vision 2030, Dr. Julius Muia ayaa sidoo kale ka digay dhibta laga dhuran karo isticmaalka bacaha oo ay halis iyo caqabadba ku tahay deegaanka iyo kobaca dhaqaalaha.
Geyfanayaasha gudaha iyo kuwa caalamiga ayaa dowladda ku amaanay tallaabta, iyada oo hey’adda QM u qaabilsan deegaanka ee UNEP oo xarunteedu tahay Nairobi ay caddeysay baahida dalalku u qabaan dhaqan-gelinta horumar sugan – qeybna ah tallaabooyin ilaalin iyo daryeelba uga dhigan deegaanka.
Xigasho – radiohimilo.so
Nagala soo xiriir: himilonews@gmail.com
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!