crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Eeyo leh midab buluug ah oo lagu arkay dalka Hindiya. | HimiloNetwork

Eeyo leh midab buluug ah oo lagu arkay dalka Hindiya.

New Delhi (Himilonews) – Tiro eeyo buluug ah ayaa lagu arkay duleedka aagga warshadaha ee Navi Mumbai, dalka Hindiya taas oo warbixinnadu tilmaamayaan inay sababteeda leedahay wasaqda iyo haraadiga lagu qubo webiga Kasadi.
Muuqaalka iyo sawirrada dhowr eeyood oo yeeshay midab buluug ah ayaa ku baahay baraha bulshada maalmo kahor, taas oo su’aalo gelisay maskaxda dadka – haddii la daweyn karo iyo kale. Nasiib-darro, waaxda ilaalada xoolaha ee Mumbai ayaa sheegay in eeyahani ku badan yihiin magaalada oo ay saameysay wasaqda xad-dhaafka ah ee lagu qubo webiga Kasadi.
“Waan la niyad-jabay sida eeyahani midab ahaan isku badaleen,” ayuu yiri Arati Chauhan oo horjooge ka ah Navi Mumbai Animal Protection Cell. “Waxaanu sumadeynay dhowr eeyood; innaga oo warsannay waaxda xakamaynta wasaqda inay ka fal-celiyaan warshadaha ku lugta leh.”
Sida caadada ah, eeyahan ayaa maalin kasta dhuuni u raadsada webiga, waxaana soo raaca sunta iyo dareeraha halista ah oo wax soo saarka warshadaha soo fogeeyaan. Aagga warshadaha ee Taloja wuxuu hoy u yahay kumaakun xarumood oo isugu jira warshadaha dawada, cunnada, saabuunta iyo wixii lamid ah.
Balse dadaallada iyo wacyi-gelinta looga soo horjeestay falalka ka jira halkan ayaa u muuqda inay heleen baraarug dowladeed. Waaxda dowladda hoose u qaabilsan deegaanka ayaa ugu yeertay warshadaha inay sida ugu dhaqsiyaha badan uga jawaabaan halista ay ku hayaan noolaha la nool.
Qore: Zakariya Xasan Maxamed.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!