crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Muslim faqiir ah oo si yaab leh kaga mid noqday Xujeyda sanadkan. | HimiloNetwork

Muslim faqiir ah oo si yaab leh kaga mid noqday Xujeyda sanadkan.

Ankara (Himilonews) – Oday ku nool tuulo kamid ah dalka Ghana kaas oo mid kamid ah shaqaalaha fogaan-aragga Turkish TV su’aalay ‘haddii diyaarad-yar uu ku geyn karo magaalada Makkah’ ayaa riyadiisa rumowday kadib markii sheekadiisu ku baahday baraha bulshada.
“Waxaa ku mahadsan Alle, waana u duceynayaa qof walba oo arrintan qeyb ku lahaa suura-galinteeda,” al-Hassan Abdullahi ayaa u sheegay Anadolu Agency.
Riyada malada ka fog ee saboolkan waxay dhabowday markii uu la kulmay filim qaade ka tirsan fogaan-aragga Turkiga laga leeyahay kaas oo gacanta ku siday diyaarad yar iyo kaamirad.
Abdullahi ayaa si kaftan-niyadeed ah u su’aalay haddii ay heli karaan mid weyn oo isaga u qaada Sucuudiga si uu usoo xajiyo.
Markii ay sheekadiisu ku baahday baraha bulshada, wasiirka arrimaha gudaha, Mevlut Cavusoglu ayaa soo fara-geliyay xaaladda, wuxuuna agaasimay qaban-qaabada safarkiisa Xajka.
Wuxuu Istanbul uga yimid magaalada Accra, waxaana kusoo dhaweeyey ururrada samafalka ee dalka Turkiga.
Cihad Gokdemir oo ah ku xigeenka madaxa hey’adda samafalka oo kamid ah lakabyadii garoonka kusoo dhaweeyey Abdullahi ayaa sheegay in sheekadiisa ay qabsatay wararka ugu waaweyn ee fogaan-aragga dowliga ah ee TRT World oo sawirkiisa soo dhigay baraha bulshada.
“Kaddibna dadka ayaa jecleystay inay gaaraan – shirkadaha waaweyn iyo ganacsatada. Ugu danbeyntii, sarkaal booliska Turkiga katirsan kana socda safaaradda Turkiga ee Accra ayaa la xiriiray. Wuu ka mahad-naqay tallaabada dadka Turkiga,” ayuu yiri Gokdemir.
Abdullahi ayaa sanadkan kamid ah Xujeyda ka qeyb-galaysa gudashada mid kamid ah tiirarka Islaamka.
Xigasho – radiohimilo.so
error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!