crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> Masjid goob qashin ka dhiganaya garoon carruurtu ugu cayaaraan! | HimiloNetwork

Masjid goob qashin ka dhiganaya garoon carruurtu ugu cayaaraan!

MUQDISHO (HN) — Xubno katirsan Jamaacada Masjidka Birmingham ayaa ku guuleystay inay goob qashinka la isaga tuuro ay ka dhigaan garoon kubadda cagta ay ku cayaaraan da’yarta Muslimiinta.

Shahid Tameez, oo ah Imaamka Zia Ul Ummah Center ayaa sheegay in masjidka gadaashiisa ay ku arkeen qashin badan – iyaga oo sidoo kale isla markaana dareensanaa in carruurta yaryari u baahan yihiin goob ay ku cayaaraan.

“Fikradda aanu rabnay waxay ahayd in ilmaheenna ay kasoo xeroodaan bannaan-joognimada iyo warwareegga badan oo ay halkan ku dheelaan kubadda si xaalkooda loola socdo,” ayuu yiri.


“Tani waa un bilowga ol’olaha – masjidka jaarkeenna ayaa nala soo xiriiray wuxuuna naga codsaday inay nala qeybsadaan garoonka si da’yarta ku xiran ay ugu dheelaan markooda,” ayuu sii raaciyay.

Taayaro ayaa teedad looga dhigay wareegga garoonka waxaana lagu beeray cows cagaaran si loogu dheelo.

Britain ayaa guri u ah tiro Muslimiin ah oo gaaraysa 2.8 milyan, marka loo eego tirakoobkii la sameeyey sannadkii 2011.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!