Kacbada oo lagu deday Kiswa cusub.

MUQDISHO (HN) — Marada madow ee Kacbada oo la yiraahdo Kiswa ayaa la beddelay waxaana la saaray mid kale oo cusub maalintii Carafada ay ku beegneyd ee 9-ka bisha, waxaana tolmadeeda iska kaashaday 200 oo khubaro ah oo ka howlgala xarunta Dar-ul-Kiswa.

Adduun dhan 20 milyan oo Saudi riyal ah ayaa ku baxay sameynteeda, marka loo eego dhambaal-sidaha Khaleej Times.

Daah-dhiga Kacbadda wuxuu aalaaba astaan u yahay bilowga gudaha acmaasha Xajka iyo Cumrada.

Sannadkan waxaa xajka isugu yimid xujey gaaraysa 60,000 kuwaas oo faafitaanka Covid-19 awgeed tiradaas yarta ah lagu soo koobay.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!