crossorigin="anonymous">     crossorigin="anonymous"> La kulan; Ninka 22 sano ay ku qaadatay inuu kaga baxo Dugsiga hoose. | HimiloNetwork

La kulan; Ninka 22 sano ay ku qaadatay inuu kaga baxo Dugsiga hoose.

MUQDISHO (HN) — Nin KENYAN ah ayaa muddo 20 sano ah ay ku qaadatay inuu kaga baxo dugsiga hoose ayaa ugu dambeyntii ka qalin-jebiyay Jaamacadda.

Isaga oo la hadlaya warfidiyeenka, Mathew Aol Nyamlori, oo ah 38 jir, ayaa shaaca ka qaaday inuu heerka koowaad ee Jaamacadda kaga baxay kulliyadda adabka – qeybta siyaasadda dadweynaha ee Jaamacadda Kenyatta University.

Wuxuu ku biiray Jaamacadda markii uu heerka B+ uu ka keenay Imtixaanka shahaadiga ee Dugsiga sare ee Kenya oo loo yaqaan KCSE.

Wuxuu soo dhigtay saddex dugsi sare ah iyo 9 iskuul oo heerka dugsiga hoose ah.

“Waxaan dhihi karaa – waxaan ahay qofka ugu farxadda badan dunida, waayo waxaa dhaboobay riyadayda. Waxaana safarkii aan soo bilaabay dabayaaqadii 80-meeyada uu kusoo gabagaboobay guul weyn. Tani waxay ahayd riyadayda iyo ducadaydii oo la aqbalay,” ayuu yiri.

Aol wuxuu ku bixiyay muddo 22 sano ah wax-barashada dugsiga hoose waayo labadiisa waalid ma aanay awoodi Karin inay lacagta dusgiga sare ka bixiyaan. Sida kaliya oo uu ku gudbi karayna waxay ahayd inuu kaalmaha hore ka galo imtixaanka.

Si kastaba, nasiib-wanaag, sannadkii 2004 ayuu 434 buundo ka keenay imtixaankii qaran ee dusgiga hoose oo lagu saxo 500.

Laakiin sannad kaddib safarkiisa dusgiga sare wuxuu ku joogsaday fasalka labaad madaama uu bixin waayay lacagta. Hayeeshe, Aol wuxuu mar kale dib ugu laabtay wax-barashada dugsiga hoose ilaa laga soo gaaro sannadkii 2007 markaas oo xilligii lixaad oo xiriir ah uu u fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga hoose.

Wuxuu haddana helay 395 buundo waxaana usoo baxay iskuul sare hayeeshe ma awoodin inuu ku biro haddana madaama uusan lacag u heynin.

Ilaa iyo sannadkii 2011-ka oo Aol uu u fariistay markiisii 9aad imtixaanka dugsiga hoose, wuxuu sameeyey isku dayo badan laakiin sannadkaas ayuun helay barnaamijka Equity Wings To Fly kaas oo u suuragaliyay inuu helo qubuulka dugsiga Nairobi School.

error: Mininkeenna moogaanteen mala soo maraayo!!